Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Xadhiga Ka Jaray Xafiis Cusub Oo Garabka Haweenka Kulmiye Ku Yeelan Doonaan Degmada Axmed Dhagax Ee Magaalada Hargaysa

0
481

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxtinimo ee xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray xafiis cusub oo garabka haweenka xisbiga KULMIYE ku yeelan doono degmada Axmed-dhagax ee magaalada Hargeysa, kaas oo tiir-dhexaad u noqon doona hawlaha xisbiga ee degmadaas.

Madasha xadhigga lagaga jarayey xafiiskan cusub ee garabka haweenka, ayaa wax aka qaybgalay hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, madaxda xisbiga u qaabilsan gobolka Marood-jeex, madaxda sare ee garabka Haweenka KULMIYE iyo taageerayaal tiro badan oo uu xisbigu ku leeyahay degmada Axmed-dhagax.

Maxamed Axmed Caalin(Tiimbaro), Ibraahim Axmed Raabbi, guddoomiyaha garabka Haweenka ee xisbiga KULMIYE Marwo Canab Cumar Ileeye, xildhibaanno iyo qaar kale oo kamid ah haweenka xisbiga iyo waliba masuuliyiinta xisbiga ee degmada A/dhagax oo halkaas ka hadlay, ayaa si weyn ugu hambalyeeyey taageerayaasha xisbiga KULMIYE ee degmadaas, gaar ahaan haweenka sida xilkasnimada leh ee ay xisbiga ugu dooreen xafiis bilicsan oo ku habboon in lagu qabto hawlaha xisbiga.

Xoghayaha guud ee xisbiga KULMIYE Md. Xasan Siciid Yuusuf iyo guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE Md. Maxamed Kaahin Axmed oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa bahweynta garabka haweenka ee xisbiga KULMIYE ku bogaadiyey sida hagar la’aanta ah ee ay arrimaha xisbiga ugu hagar baxeen, waxana ay taageerayaasha xisbiga ee degmada A/dhagax ugu baaqeen inay guntiga dhiisha iskaga dhigaan sidii uu xisbigu guul uga gaadhi lahaa doorashada soo socota ee madaxtinimada iyo kuwa ka dambeeyaba.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, ahna murrashaxa madaxweynaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa isaguna hadallo kooban oo uu halkaas ka jeediyey si weyn ugaga mahadnaqay dadweynaha reer Axmed-dhagax taageeradda mugga iyo miisaanka leh ee ay la garab taagan yihiin xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyuhu waxa sharraxaad kooban ka bixiyey waxyaabaha tiir-dhexaadka u ah xisbiga KULMIYE ee qofkasta oo taageere ah looga baahan yahay inuu maanka ku hayo, “Haddii aynu KULMIYE nahay waxa aynu xisbiga u samaysanay oo aynu isku taageeraynaa inaynu dalkeena, Diinteena iyo dadkeenaba wanaajino, si aynu wanaaggaas u gaadhnona waxa inagu waajib ah inaynu nafteena iyo akhlaaqdeena wanaajino, haddii aynu tartan ku jirnona waxa inaga reeban cayda iyo dhaqan-xumada,” ayuu yidhi guddoomiye Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here