Xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta ansixiyey ajandaha fadhigooda 34-Aad ee ay yeelanayaan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland.Fadhigan ay sakaa xildhibaanadu iskugu yimaadeen ayaa waxa hogaaminayey gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax,waxaana kasoo xaadiray fadhigaasi 42 xildhibaan oo kamid ah 82-ka mudan ee golaha wakiilada Somaliland.
Waxaana ajandaha kalfadhigan 34-Aad ee golaha wakiilada Somaliland ansixiyey 27 xildhibaan, 4 xildhibaan way diideen halka 10 xildhibaana ay ka aamuseen,gudoomiyuhuna muu codayn, Waxaana sidaasi ku ansaxay ajandaha kalfadhiga 34-Aad ee golaha wakiilada Somaliland.
Gudoomiye ku xigeenka golaha wakiilada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa guddiyada wakiilada Somaliland waxa uu faray in ay muddo laba cisho gudahood ah kusoo xareeyaan xeerarka ay hayaan ee gacantooda ku jira si ay mudanayaashu ugu codeeyaan