Madaxtooyadu Maxay Ka Damacdey Go’aanadii Sixir Bararka Ee Shirkadaha Dhexmaray

0
558

 

Maalintaa waxa laga joogaa lixbilood iyo afar habeen Isla wakhtigaa sarifka dollarku wuxuu marayey 8.500slsh, halka maantana uu marayo 9.200slsh.

In Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Dollar-ka.

Waa qayb yar oo ka mid ah digreetadii madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud siilaanyo uu ka soo saaray wax ka qabashada sixir bararka iyo qiima dhaca shilinka somaliland, ee ku taaariikhaysnayd 24.jenuary 2017.

Maalintaa waxa laga joogaa lixbilood iyo afar habeen Isla wakhtigaa sarifka dollarku wuxuu marayey 8.500slsh, halka maantana uu marayo 9.200slsh.

Sida ku cad Qodobka 11aad ee dastuurka j,s,l.

Xukumadu waxay masuulka tahay dajinta siyaasada dhaqaalaha dalka oo ku salaysan mabaa, diida suuqa xorta ah.

Digreeto kasta oo ka soo baxda xafiiska madaxwaynaha waa inay dhaqan gasho sida ay u dhaqan galaan digreetooyinka ay ka mid yihiin xilka qaadis ama magacaabid.

Hadaba maxay tahay sababta hortaagan hirgalinta iyo ku dhaqanka, digreetadii madaxweyne Axmed Maxamed Maxmuud siilaanyo.

Iyadoo aynu ognahay inaan adeegyada, Zaad iyo E-Dahab in isticmaalkòoduba yahay xaaraan, maadaama aan loo hayn xeer sharci oo ka soo baxay golaha baarlamaanka.

26.1.2017 kii shirkii jaraa,id ee wasiirka madaxtooyada iyo shirkadaha isgaadhsiintu wuxuu ahaa mid lagu go, aamiyey in gudi farsamo loo saaro mudada lagaga saari karo serverka.

Sida aan ku helay warar xogogaal ah ayaa ii xaqiijiyey in gudidii soo go, aamisey Mudo( 40 ilaa 60 cisho ay arintaasi ku dhamaan karto.

Waxaana haatan ka soo wareegtay 3 bilood maalintii go, aankaasi soo baxay, mana jirto wax talaabo ah oo laga qaaday arintaasi iyadoo sixir bararkuna ku dhawyahay 1$ 10.000slsh oo u muuqata inay keeni karto fakhri.

Aynu dib ugu noqono qodobka 11aad, ee dastuurka farqadiisa 2 aad oo dawlada ku waajibinaya inaanay dhicin in barwaaqadu ku ururto, koox ama, dad tiro yar . taasi oo abuuri karta xaalad dhaqaale oo keeni kara dabqado nololeed, oo kala hooseeya.

Hadaba maanta noloshii dadku waxay gaadhay heerkaa dastuurku ka digay.

Sifaasi dareed madaxtooyadu umada ha u sheegto laba arimood midkood

1-Go,aamadii Xukumadu inay ahaayeen kuwa

Lagu degdegay . iyo

2- Sababta ilaa maanta hortaagan

go, aanadii iyo digreetadii madaxweynaha

Gabagabo:Waxa ugu wayn  ee dawlad loo doortaa waa in loo adeego umada. iyo ku dhaqanka dastuurka si aanay u lumin kala damabyntii Dawladnimo

 

Alla Mahad leh

C.casiis maxamed maydhax

Tel 0634106442 telesom

hargeysa . Somaliland

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here