Faro-weyne, 3 Juulaay, 2017-(Himilo) – Ardayda deegaanka Lafta Faraweyne ayaa markii ugu horreysay u fadhiistay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe oo loogu qabtay degmadooda.
Imtixaanka oo dalka ka bilaabmay Sabtidii ayaa deegaanka Lafta-Faraweyne oo ardaydu ay markii hore imtixaanka u iman jireen magaalada Hargeysa ay sannadkan iyagoo degmadooda jooga u fadhiisteen imtixaanka taas oo farxad iyo yididiilo hor leh gelisay
Qaar ka mid ah waalidiinta ardayda dhalay oo markii hore ku khasbanaan jiray in marka ardaygu gelayo fasalka 8aad uu geeyo magaalooyinka Hargeysa ama Gabiley oo sannadka u dambeeya ee waxbarashada ay ku qaadan jireen, ayaa si diirran u soo dhoweeyey in arrintaas ay sannadkan ka baaqsadeen.
“Farxad wayn ayey noo tahay, waayo awal inanku marka uu galo fasalka toddobaad ayaanu ka fikiri jirnay sidii Hargeysa loogu badali lahaa oo culays nagu ahayd ka waalid ahaan, maanta se waa nagaa joogna carruurtayadii oo ku jirta imtixaankii ay ugu gudbayeen dugsiga sare” Sidaa waxa tidhi hooyo ku sugnayd duleedka dugsiga Degmada Faraweyne.
Hooyadaniw axay xukuumadda iyo wasaaradda waxbarashada ka codsatay in ay ka dhabeeyaan horena ugu fuliyaan dhismaha dugsiga sare oo uu wasiirka waxbarashadu sannadkii hore dhagax-dhigay.
waxaa isna Guddoomiyaha gudiga horumarinta deegaanka lafta farowayne Mr Ismaaciil Aadan Habbane oo aanu wax ka waydiinay sida uu u arko talaabadan ay hore u qaadeen muddadii uu xilkan hayay ayaa wasiirka Waxbarashada Somaliland uga mahad celiyay talaabooyinkan horumarineed waxaanu yidhi “Runtii farxad ayay noo tahay in maanta ardayda reer farowayne la mid ahaadaan kuwa ay isku dhiga yihiin una fadhiistaan imtixaankii fasalada sideedaad oo ah markii ugu horaysay taasina waxay ku timid isku duubnida bulshada deegaanka faro wayne”
Guddoomiyaha guddida horumarinta degmada deegaanka Lafta-faraweyne Ismaaciil Aadan Habane ayaa isaguna sheegay inay rajaynayaan in xukuumaddu ay dhisi doonto dugsiga sare ee deegaanka Lafta-faraweyne, waxaanu yidhi: “Waxaan wasaaradda waxbarashada iyo xukuumadda dhexeba ka rajaynayaa in dhakhso loo bilaabo dhismaha dugsigii sare ee degmada oo hore loo dhagax dhigay xilligana ay tahay in deg-deg loo dhiso, maaddaama ay ardayda intaa le’eg ee maanta imtixaanka gashay aanay haysan dugsi sare oo ay galaan oo ku yaalla deegaanka Lafta-faraweyne.”.
Guddoomiyaha Deeganka Lafta -farawayne Cabdi Ismaciil, ayaa isaguna u mahad-celiyey wasaaradda Waxbarashada oo sidoo kale uu ka codsaday in ardayda imtixaanka u fadhiisatay loo dhiso dugsigii sare ee ay wax ka baran lahaayeen.