Dumarka Muslimka Oo Wali Lagu Hayo Cunsuriyad Yurub Dhexdeeda

0
467

Gabdho Muslimiin ah oo Jermal ah oo ciyaal iskuul ah oo Poland u tagay si ay u booqdaan goobtii uu ka dhacay xasuuqii Holocaust ayaa sheegay in dadka deegaanku ay midab takooreen intii ay safarkaas ku jireen.

Booqashadan ayaa ahayd mid waxbarasho la xiriirtay.

Gabdhahan oo ka socday iskuul ku yaalla magaalada Baarliin ayaa u warramay Idaacadda Deutschlandfunk radio Iyaga oo u sheegay wixii ay la soo kulmeen. Afar ka mid ah gabdhahaas oo xijaab qabay ayaa sheegay in tacadi loo gaystay.

Mid ka mid ah gabdhaha ayaa sheegtay in candhuuf lagu tufay iyada oo dhex maraysa waddo ku taalla Lublin ka dib markii ay booliisku istaajiyeen iyaga oo iska muusoonaya oo aan wax dambi ah galabsanin.

Gabadh kale ayaa sheegtay in laga soo eryay dukaan ka dib markii ay ku hadashay luuqadda Persian-ka
Walaalkeed ayay markaas kula hadlaysay taleefan.
ooliiska magaalada Lublin oo war qoraal ah soo saaray Talaadadii ayaa sheegay “in wax dacwad ah aysan ka soo gaadhin daadkaas markii ay safarka ku joogeen.

Waxaa kale oo ay sheegeen in booliisku uu dib u baadhay kaameerooyinka ammaanka aysanna ku arkin wax dhacdo ah oo ay ku lugleeyihiin ajaaniib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here