Ugu yaraan 25 qof ayaa ku dhintay laba qarax oo ka dhacay suuq ku yaala magaalada waqooyi galbeed Parachinar ee dalka Pakistan.
Sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya qaraxan wuxuuu dhacay iyadoo ciidammada ammaanka ay isku dhaceen dad cadheysan oo ka dibad baxayay xaalada amni xumo ee waddanka.
Booliiska ayaa faahfaahiyay in labada qarax ee Parachinar ay isku mar ka dhaceen meel goob gaadiidka dadweynaha laga raaco oo ku dhaw suuqa Parachinar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in bartilmaameedku ahaa Shiica.
Inta badan dadka gobolka Parachinar ayaa kas oo jeeda Shiicada tirade yar ee Pakistan.