WAXA AY KU WACAN TAHAY XISBI HEBEL AYAA XISBI HEBEL KA BADIYEY AMMA MURRASH HEBEL AYAA MURRASHAX HEBEL KA BADIYEY.
HADDII SE LA LOO QAATO IN REER HEBEL REER HEBEL KA BADINAYO SAW ROGMAD NOQON MAYSO?
Marka laga hadlayo tab iyo xeeladda ololaha doorashooyinka ee axsaabta, waxa ku jirta qayb la yidhaa ”the core campaign” qaybtani waxa ay ku hoos jirtaa ”party campaign strategy” amma habka iyo hannaanka xisbi u rabo in uu olole u galo.
”core campaign” ma aha in aad murrashaxa u diido murrashaxnimada, waayo uma diidi kartid oo waabu soo baxay oo saaxaddii tartanka ayuu joogaa, waase in aad farsamo ahaan isku dayi karto in aad fahamto ololihiisu sida uu yahay, si aad surinka isugu taagto oo aad u biyo dhiijiso.
Haddii aad fahamto cidda kula tartamaysa hab ciyaareedkeeda iyo shaxda ay ku rabaan in ay kugu la ciyaaraan, waa ay kuu fududaaneysaa in aad difaac fiican dhisto, isla markaana weerar aan kala joogsi lahayn oo aag kale amma doc-wareen ah ku joogtayso.
Xisbiyada Kulmiye iyo Waddani, marka aad eegto dhallinyarada baraha bulshada ku tartan cartama, waxa aad fahmi kartaa in weli aaney is-tab iyo xeel fahmin. Waxa kuu muuqanaya deelqaaf badan iyo weerar aan waxba badan dhanna ka tari karin oo cunfi abuur ah.
Quruxda siyaasaddu waa in la is xeel fahmo, si xarrago loo gu kala dheel badiyo. Haddii se la jaafaa jirqo, oo la is shakhsi eedeeyo wax aan xasaasiyad ahayn abuuri mayso. Aakhirkana waxa ay keeni kartaa in loo fahmo tartanka siyaasadda si qaldan oo gurrac ah.
Sida gurraca ah ee loo fahmi karaa waa; in loo qaato in aaney tartamahayn Muuse iyo Cirro, se ay deegaannadoodu tartamayaan, in hadhow la yidhaa deegaan hebel ayaa deegaan hebel ka badiyeyna waa mid guul-darro keen ah oo laga ba yaabo in reer hebel aqbali waayo in uu reer hebel ka badiyey!!
Halkii ay ka ahaan lahayd in xisbi hebel xisbi hebel ka badiyey amma murrashax hebel murrashax hebel ka badiyey. Weligeed ma ay dhicin in reer hebel oggolaado in dagaal iyo si kale toona loo ga badiyo dhaqanka Soomaalida. Haddii aan tartanka reeraha laga leexinna dhib weyn ayey keeni kartaa. Soon wanaagsan.
Mohamed Hagi Mohamoud