Guddida Fulinta Xisbiga KULMIYE ee UK oo Kulan la Xidhiidha Weerarkii Masaajidka London la Yeeshay Madax uu ka Mid Yahay Hoggaamiyaha Xisbiga Labour-ka

0
504

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee dalka UK Md. Xariir Xirsi iyo xubnaha Guddiga Fulinta ee xisbiga, ayaa si ballaadhan uga hawlgalay weerarkii argagixiso ee nin cunsuri ahi uu baabuur jiidhsiiyey dad ka soo baxay masaajid ku yaal Waqooyiga magaalada London (Finsbury Park North London).
Guddoomiye Xariir oo degan, kana mid ah madaxda bulshada (Comnunity leader) ee xaafadda Finsbury Park ee weerarku ka dhacay, ayaa si wayn uga hawlgalay arrintan oo aannu ka fadhiisan ilaa markii ay bilaabantay mashaqadu.
Guddoomiyuhu waxa uu ka shaqeeyey dejinta dadka Soomaalida ah ee ku nool xaafadda falku ka dhacay oo uu ku guubaabiyey in aanay wax falcelin ah ka samayn weerarka dhacay. Dadka Soomaalida ah ee ku dhaawacmay ayaa gaadhaya ilaa 8 qof oo uu ka mid yahay Xoghayaha xisbiga KULMIYE ee Laanta Waqooyiga London Mr. Cali Abokor Xirsi.
Waxa kaloo uu Guddoomiyuhu ku soo dhaweeyey xaafadda madax kala duwan oo waddanka UK ah oo ay ka mid yihiin hoggaamiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Labour-ka Jeremy Corbyn iyo Maayarka London Sidiq Khan.
Dhinaca kale, madaxda xisbiga KULMIYE ee UK, ayaa ku booqday cusbitaalka dhibbanayasha ku dhaawacmay shilkaasi argaxisinimo oo uu ka mid yahay Xoghayaha Laanta Waqooyiga London ee KULMIYE, iyaga oo Ilaahay uga baryey inuu caafimaad degdeg ah siiyo dhammaantood.
Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu baaqayaa dadka Soomaalida ah ee degan dalka Ingiriiska inay is dejiyaan, isla markaana taxadar dheeraad ah sameeyaan marka ay joogaan meelaha la isugu yimaado.
19399125_433149147048810_1530745682844351182_n

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here