Xildhibaano Ka Tirsan Golaha Deegaanka Degmada Burco Oo Ka Hadlay Kala Qaybsanaan Uu Xisbiga Kulmiye Ku Wado Gudoomiyaha Togdheer

0
644

Burco (QYN) Badhasaabka Gobolka Togdheer Maxamud Cali Saleeban Ramaax oo kulan la yeeshay golaha degaanka degmada burco ayaa la sheegay inuu halkaas kaga tiraabey weedho kala irdheynaaya xisbiga KULMIYE iyo beelo kasoo jeeda bariga burco.

Xogaha aan ka helayno kulankaas ayaa tibaaxay in gudoomiye ramaax uu beelaha cibiraaan iyo reer raage ku tilmaamey kuwo aan dawlada somaliland u tirsaneyn isagoo ku edeeyay iney mucaarad yihiin isla markaana ka tirsan yihiin xisbiga WADDANI

“Beelaha cibraan iyo reer raage xukumadda somaliland iyo xisbiga kulmiye uma tirsana, meeshay doonaan ha maraan”ayuu yidhi gudoomiye ramaax.

Intaa ka bacdina waxaa la sheegay in ay arrintaas cadho ka muujiyeen xildhibaano ka tirsan golaha degaanka degmada burco kuwaas oo gudoomiye ramaax ku canaantay inuu kala qoqobaayo

beelaha bariga burco oo ay sheegeen iney u mideysan yihiin taageerida ay u hayaan xisbiga KULMIYE iyo xukumadda Somaliland.

Xildhibaan Nuux Maxamed Xuseen Iyo Xildhibaan Cali Bare oo hadalka isaga dambeeyay ayaa gudoomiye ramaax ku Eedeeyay isagoo masuul dawladeed ah inuu kala irdheynaayo beelaha somaliland iyo xisbiga KULMIYE.

Dhinaca Kale Cuqaal iyo Waxgarad ka soo Jeeda Beesha Cibraan Sheikh Isaxaaq ayaa Shirjaraid oo ay ku qabteen Gudaha Magalada Burco Waxay Eedaymo Kulul usoo jeediyeen Gudomiyaha Gobalka Togdheer Oo ay Shegeen inuu Yahay Masuul ka Aradan Hab-la dhaqanka Shacabka waxanay sido kale tilmameen inuu inta badan ku kaco Falal Aan Laasim ku ahayn Hanaanka Dowladnimo,

 

QoryaaleNews

Burco/Officeramax

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here