Wadanka sucuudigu waxa uu aqbalay Passporka Somaliland in wadankiisa lagu soo galo bedelkeedana waxa uu xayiraad saaray Passporka wadanka somaliya oo arimo argagixiso ku eedaysan.
Dalka sucuudiga ayaa aqoon sadey in jamhruuriyada Somaliland passporkeeda lagu soo gali karo gudaha dalkeeda isla markaana dadka sitaa ay ku daasho-daashoon karaan.talaabadan sucuudigu qaaday ayaa tumi ka dib markii xukuumadda Somaliland ay la safatay xulufada sucuudigu hogaamiyo isla markaana qaadatay inay xidhiidhka ujarto dalka Qatar kana badheedhay khilaafka dalalka khaliijka .
Waxaa sidoo kale dalka sucuudigu xayiray in dalkooda lagu soo gali karin passporka somaliya isla markaana wuxuu ku eedeeyey arrimaha argagixisada in laga soo shiidaaliyo. Go,aankii farmaajo kula saftay dalka Qatar oo ah mishiinkii xukuumadiisa soo dhishay ayaa qirin-qiirgaliyey somaliya waxaanay go,aankaa ka dib la kulan tahay caqabado badan oo curdan-dhadhiyey xidhiidhkii ay la lahayd dalalka xulufada la ah sucuudiga.
Go,aanka xukuumada ayaa noqdey mid ku soo jeediya indhaha dalalka carabta ugu awooda badan isla markaana toddobaad yadii ugu dambeeyey qaadaa dhigayey madaxbanaanida iyo nabada Somaliland ku naaloonayso waxaana sidoo kale sabab unoqotay in xulufadu xidhiidh dhow la yeelato Somaliland oo ay ka soo dhaweysato dalka somaliya waana mid guul weyn u ah shacabka Somaliland.
Waxaana maalinta isniinta booqanaya dalka sucuudiga wasiiro xukuumadda ka tirsan oo uu hogaamiyo wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi halkaas oo la filayo in lagu gorfayn doono arrimo labada dal iyo mandaqadaba dan u ah diiradana lagu saaridoono arrimaha khilaafka khaliijka iyo danaha labada dal sidoo kale waxay boqortooyada sucuudigu dalka Somaliland ku bogaadinaysaa go,aankii ay ka qaadatay khilafka Khaliijka
Sucuudiga waxa booqanaya wasiirka Madaxtooyada Somaliland oo la filayo in uu la kulmo boqorka Wadanka Sucuudiga si rasmi ahna shaaca looga qaado aqbalaada Passporka Somaliland.