Boqolaal ka mida Dhalinyaradda iyo Aqoonyahanka beelaha Muuse Abokor ee Arab ayaa Iclaamiyay Xubnaha qayb ahaan kaga soo beegmay guddiga qaban-qaabadda Shirweynaha ay beelaha Muuse Abokor iskugu imanayaan 6-da bisha Jully ee foodda innagu soo haysa, waxaannay si wayn u taageereen qabsoomida shirkaas oo ay beeshaasi kaga hadli doonto Masiirkeedda siyaasaddeed, isl markaanna ay ku eeggi doonnaan xaaladda kala guurka ah ee lagu jiro.
Kulan afur ah oo ay iskugu yimaadeen Dhalinyaradda iyo Aqoonyahanka beelaha Muuse Abokor oo ka mida beelaha ugu baaxadda wayn ee beelaha Arab-weyne, ayaa kulankaas ku doortay Xubnaha guddiga qaban-qaabadda shirkaas ay beelaha Muuse Abokor iskugu imanayaan.
Aqoonyahanka iyo Dhalinyaradda, beelaha Muuse Abokor ayaa soo saarray ayaa taageero balaadhan la garab istaagay Cuqaasha beelaha Muuse Abokor oo shirweynahan soo jeeddiyay hindisihiisa, kaasoo sida qorshuhu yahay qabsoomaaya 6 bisha July, waxaanna Shirkaas lagu soo qaaddi doonnaa, isla markaanna tashi iyo rogrogid lagu samayn doonnaa Masiirka siyaasaddeed ee beelaha Muuse Abokor ee Arab, .
Waxa kulankaas guddoomiyaha guddiga qaban-qaabadda Shirweynaha beelaha Muuse Abokor loo doortay Eng. Ibraahim Gaydh Faarax, iyaddoo guddoomiye ku-xigeenkanna loo doortay Dr. Axmed Cabdi Jaamac. Waxa kale, oo iyagunna Xubnahaas qaban-qaabadda ka mida Mustafe Xasan Daahir Ismaaciil (Mustafe Wasiirka) iyo Eng. Bedel Cawaale Cabdillaahi.
Si kastaba ha ahaatee Cuqaasha beelaha Muuse Abokor ee Arab ayaa horraantii bishan shaaciyay inay 6-da bisha foodda innagu soo haysa ee Jully qaban-doonnaan Shirwyeyne ay Beeshu kaga arrinsannayso Aaayaheededa iyo Masiirkeedda siyaasaddeedba.