Kulamo Taxan Turkiga Ilaa Addis Ababa Oo Xisbiga WADDANI Ku Shawray In ay Ku Wiiqaan Dawladnimada Somaliland
Ismaaciil Buubaa Iyo Maxamd Biixi Yoonis Oo Kulamo Dhagareysan Galay Iyo Qunsulkii Turkiga Ee Hargeysa Oo Lagu Amray Inuu Calankooda Hoos U Dejiyo
Warar ka imanaya magaaladda Addis ababa ayaa tibaaxaya in masuuliyiin sar-sare oo ka tirsan xisbiga WADDANI kulama is araga la qaateen Raysal wasaaraha somaliya xasan cali khayre, ilo xogogaala oo Wargeyska SAHAN ka helayo magaaladda addis ababa ayaa tibaaxaya in masuuliyiin sar-sare oo ka mid ah xisbiga WADDANi ay kulama qarsoodi ah la qaateen raysal wasaare xasan cali khayre, masuuliyiin tan oo kala ah Maxamed Biixi Yoonis iyo Ismaaciil Hure Buubaa oo labaduba ah masuuliyiinta ugu shilis xisbiga WADDANI ayaa shirar doceedyo daahir yaa shamis ah kula shawray xukuumadda somaliya, kulankaas oo ka marag kacay xidhiidhka ka dhaxeeya somaliya iyo xisbiga WADDANI, kuwaas oo ka wadda xaajooday sidii xisbiga WADDANI uga soo horjeesan lahaa mawqifka xukuumadda Somaliland ka qaadatay khilaafka ka jira dalalka khaliijka, raysal wasaare khayre ayaa ku qanciyey inay la qabto shirar muuqaalo dunidu aragto oo shacabka Somaliland iyo xisbiga WADDANI kaga soo horjeedaan mawqifkii xukuumadda isla markaana aaney la qabin dhawaaqa xukuumadda ka soo yeedhay sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in taabadelkeeda ay xukuumadda somaliya iyo tan dawlada qatarba ka helidoonan abaal marin isla mar ahaanta ay kala shaqayn doonan inay ku guulaystaan doorashada madaxtooyada ee Somaliland kuna caawin doonan dhaqaale ka saara ololaha ku soo foodle si ay ugu hirdamaan doorashadda.
Dhanka kale waxaa iyaguna dhankooda ka hadlay aragtida khayre ka bixiyey inay ku xoojiyaan dhawaaqii somaliya kaga soo horjeestaan kii xukuumadda Somaliland ismaaciil hure buubaa oo isagu aad uyaqaana luuqada lagula hadlo siyaasiyiinta xukuumadda koonfurta somaliya isla markaana aaminsan midnimadii dhicisowdey dhinacna ka ah xidhiidhiyaha somaliya iyo xisbiga WADDANI wuxuuna sheegay in ay dhigayaan shax lagu xagaldaacinayo go,aankii Somaliland ka istaagtay khilaafkii khaliijka wuxuuna sheegay inaaney marka horeba isku aragti ahayn xukuumadda Somaliland oo xisbigoodu ka duwan yahay go,aamada ay xukuumadu qaadato wuxuuna carabka ku dhuftay in laabtiisa ay ku dheertahay midnimada somaliya haddii xisbigoodu guulaystona ay somali mid noqonayso,
Dhinaca kale siyaasiga socod baradka ah Ee Maxamed Biixi Yoonis ayaa dhankiisa sheegay inuu aqoon badan ulee yahay dalalka khaliijka isla markaana aanu taabacsanayn go,aankaa haddana ay ka shaqaynayaan sidii ay uwiiqi lahaayeen dhanka somaliyana looga baahan yahay in iyaga iyo turkigu kala shaqeeyaan sidii ay ugu guulaysan lahaayeen doorashada dhaqaale badana ku caawiyaan maadaama ay xulufo isbahaysiya la yihiin somaliya oo kulamo badan oo xidhiidhka ku xoojinayaan ay hore usoo wada qaateen wuxuuna dhinaca kale hoosta ka xariiqay in dhawaan turkiga udireen Murashaxooda, kulamadan ayaa ahaa kuwo qarsoodiya oo qaranka lagu minjo xaabinayo.