Wasaarada Biyaha Somaliland Oo Ka Hadashey Khilaaf Ka Taagan Wakaalada Biyaha Berbera Iyo Mareeyahedii Oo Xilka Laga Qaadey

0
453

Wanakhuudesaarada biyaha Somaliland ayaa ka hadashey khilaaf muodooyinkii ugu danbeeyay soo jitamaayay oo ka dhex taagan wakaalada biyaha berbera, isla markaana ka irdheeyay masuuliyiinta wakaalada biyaha berbera iyo dawlada hoose ee berbera.

Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha Somaliland Cabdirisaaq Jaamac nuur ayaa sidoo kale ka hadley wararka sheegaya in wakaalada biyaha berbera laga dhigaayo qaab Privet Ah, Agaasimaha oo warbaahinta kula hadley magaalada berbera ayaa wararkaas ku tilmaamey qaar aan sal iyo raad toona laheyn.

“Halkan umaan imaan sida magaalada (berbera) iga soo gaadhey inaan gacantii wasaarada biyaha ka wareejinayno wakaalada biyaha berbera suuragal manta maaha wareejina mayno kumana talo jirno wasiirka iyo maamlka sare ee wasaaradana wali maskaxdayada soomeygalin in berbera biyaheeda privet laga dhigo maskaxdayada soomeygalin in biyaha burco privet laga dhigo maskaxdayada soomeygalin in biyaha hargeysa privet laga dhigo, sababihii aan hore usheegay awged”ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha

Cabdirisaaq Jaamac nuur agaasimaha guud ee wasaarada biyaha Somaliland isagoo hadalkiisa siiwata waxaauu carabka ku dhuftay wakhtiga rasmiga ah ee ay xilalka ukala wareejinayaan maareyaha cusub ee wakaalada biyaha berbera iyo maareyihii hore “hadii alle ka dhigo waxan ku talo jirnaa iney noqoto barito maareeyuhuna hadda wuxuu diyaarinayaa xil wareejintii waxan ognahey marka lala kala wareegayo hanta dawladeed ama hanta guud oo umadu wada leedahey xisaabtan ayay ubaahan tahey baryahanba waxa socdey sidii loo kala wixii hore ee la hayay maxaa daneyn ah ee soo galay maxaa loo hayaa mustaqbalkana muxuu ka tagayaa”ayuu hadalkiisa kusoo xidhey agaasimaha guud ee wasaarada biyaha Somaliland.

Xigasho”Wargeyska Sahan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here