“Hogaankaa Hore Waxay Ahaayeen Geesiyaal Gacan Furan oo Inay Guulaystaan Ku Heshiiyay Kuwa Iminka Joogaa Waa Gabno Gacan Gudhan oo ku Heshiiyay inay Guuldaraystaan..Aqoonyahan Cabdi Cali Xasan
“Angu Saraakiisha Kulmiye ayaan ka mid ahay Burco ayaan ka imi Nin Habeen ku Marti gelin karaa kuma jiro,Cid Talo iyo Toosin kaa Qaadanaysaana Ma jirto Dhamaantood way Isu Bogeen” Sarkaal ka tirsan Xisbiga KULMIYE
“Xilligii Axmed Siilanyo Hogaanka KULMIYE Waxay Lahaayeen Aragti iyo Hiigsi Wakhti Dheer Waxayna doonayeen Inay Noqdaan Sida Xisbiga ANC (African National Congress) Mid aan Dhicin…Qurba Joog: Sulub Cabdi Coofle
Hargeysa: (Sahan) 12 June 2017…….Maalmahan Dambe Waxa Bulshada reerSomaliland iyo Dad badan oo Xisbiga Kulmiye taageeraa ay ka hadlayeen Wadada uu Qaaday Xisbiga Kulmiye iyo Xilligan Hogaanka Hagaya iyo Siyaasada ay ku Wajahayaan Sidii Mar Labaad ay Talada dalka iyo Kursiga Madaxweynaha ugu Guulaysan Lahayeen iyadoo Bulshadaa Qaybaheeda kala duwani inta Bdan isu aragti ka ahaayeen arrimaha Xisbiga isla markaana ay Jecel yihiin in Xisbigooda iyo Murashaxoodu guulaystohaddana waxa aan indhaha laga qarsanayn Baylahda iyo Baal Marka Xeerarka iyo Shuruuda u Yaala Xisbiga ee Hogaanku Mudooyinkan Dambe Samaynayo.
Dad Badan ayaa iyagoo Waxay Is Barbar Dhigeen Hogaankii iyo Haldoorkii Xisbiga soo HagiJiray iyo Ragga Maanta Jooga iyagoo ku Macneeyay Soona Qaatay Hal ku dhigii Soomaaliyeed ee “MEEL AAR KA KACAY ATOOR FADHFADHIISAY”
Haddaba is Barbardhigan ayaa Dad Doora oo Taageerayaasha Xisbiga Kulmiye ka Mid ahi Fekerkooda iyo aaraadooda ka dhiibteen iyagoo Raggaa Hore ee Axmed Siilaanyo Hogaaminayey ku Tilmaamay Geesiyaal Gacan Furnaa Bulshada Hadal iyo Hawraarba ku Qancinayey Isla Markaa ku Wada Socday in ay Guulaystaan Guushana Walaal ka dhigtay isla Markaana aan kala Shakiyi Jirin,Kala Xan Qarsan Jirin,Hiil iyo Hooba is Garab taagnaa Mawqifkooda Kelyi ahaa Xisbigooda oo Guulaysta iyo Murashaxooda oo Guulaystay Wax kale Maskaxdooda kumuu jirin Hebel Wasiir Hadhow ha noqdo iyo Hebel Xilkaa Hadhow hala siiyo,Iyagoo Ragga Hogaanka ah ee Iminka ku Tilmaamay Niman Gacma Gudhan oo ku Heshiiyay Inaanay Guulaysan isla markaana mid Waliba Boos ama jago sii Qabsatay iskuna magacaabay.Waxay ku Tilmaameen Niman isu Bogay oo aan Siyaasadii iyo Xeerarkii Xisbiga aan Ilaalin isla markaana Isu Bogay Guushana Gacanta iska saaray “Mabay Lullanine Maxay Leeftaa
Iyadoo Sida Taageerayaashan Xisbiga Kulmiye iyo Aqoonyahankan Is Barbar Dhiga ka Hadlayaa ay Xuseen in Ragga Qaar og Yihiin Wasaaradaha Loo Dhiibayo Haddii ay Madaxtinimada Dalka Ku Guulaytaan”Sidi Sididaada Mooyee Dhul U Dhacaaga Hubso”
AqoonYahan Cabdi Cali ayaa isagu Sidan Ku Sifeeyay Hogaankii Hore ee Kulmiye Ka Iminka Joogana Sidan uga Hadlay.
“Hogaankaa Hore Waxay Ahaayeen Geesiyaal Gacan Furan oo Inay Guulaystaan Ku Heshiiyay Kuwa Iminka Joogaa Waa Gabno Gacan Gudhan oo ku Heshiiyay inay Guuldaraystaan waadna kala garan kartaa Farqiga u dhexeeya Raggaas waxa ka go’nayd Guusha Xisbiga Wax kastoo Gacantooda soo gala iyo Wax kasta oo Horyimaada waxay ka fuudh eeli jireen Ta Xisbiga Manay ahayn Niman soo Shaqo tegey ee Xitaa dhaqaalaha yare e Xisbigu Helo Markuu Go’o Guryahooda ayay u Soo iibin Jireen oo ku Dabooli Jireen Baahida Markaa Taala wuxuu ahaa Xisbi Lagu Daydo Faxalnimadiisa,Talooyinkiisa,Go’aan Qaadashadiisa’Kala Dambayntiisa iyo Quruxdiisa Rag iyo Dumar WaaLaysku Duubnaa Meel Kastana Qof U Qalmaa Loo Dhiibi Jiray Rag iyo DumarbaGeel Kidiskan Iminka Xilalka Lagu Taxay may ahay Wada Af Tahan aan Kala Dhicin oo Warbaahinta Caalamka iyo Ta Gudahaba Badheedhahooda ka dhiibta Iminka Kala Garan maysid Kii Afhayeenka ahaa kii Xisbiga u Nasteexa ahaa ka Burburinaya Waanu Yaabsanahay ayuu Aqoonyahan Cabdi Cali Hadalkiisa ku Soo Af Meeray.
Sarkaal isna kama mida Masuuliyiinta Gobolka Togdheer ee Xisbiga Kulmiye oo Iminka Hargeysa Ku Sugan Sheegayna inuu Hawlo Shaqo u Yimi isla markaana magaciisa Qariyay ayaa Isna Sidan uga Hadlay is Barbar Dhiga Shalay iyo Maanta ee Hogaanka Xisbiga Kulmiye.
‘Adeer Haddaan Fekerkayga Is Barbar Dhigo Sidii Xisbigu ahaa Hogaankisu Doorashadii 2010 ka Hor iyo Maanta Waa Kaaf iyo Kala Dheeri Cirka iyo Dhulkay isu Jiraan Labadaba Waan la soo Shaqeeyay iminka Xitaa Warbixinta aad Sio Cid kaa dhegaysanaysaa a jirto Waanu Ognahay ayaa lagu odhanayaa markaad Warbixin is tidhaa u sheeg waar dadkii laynaga kaxaysay waxba maaha waa in yar oo cadho ku maqan ayay ku odhanayaan hadda gobol dhan baad xaaladiisa Xisbigu halkay marayso uga sheekaynaysaa waaba isu bogayaal ta kale Nin Habeen ku Marti Gelinayaa kuma jiro Raggii Horena iyagaa Waxna Soo Waydiin Jiray oo Meel Walba Sirdoon baa u joogay iyagoo Xilligaa Mucaarid Dawladda iyo Xisbigii UDUB Daba taagan yahay oo Fatay Qaadanba la ogaa haddana Way Shaqaysan Jireen.
Sulub Cabdi oo Ka mida Qurba Jooga Waqooyiga Ameerika (North America) ee Taageera Xisbiga Kulmiye ayaa Isna Si Kooban oo Taxadir ku jiro Ereyo Kooban Ugu Cabiray Isbarbar dhiga Xilliyadii Hore iyo Iminka Xisbiga Kulmiye.
“Mar Axmed Siilaanyo iyo Maxamed Cabdilaahi Washington noogu Yimaadeen ka Hor Xilligii Doorashada 2010 Waxaan ka hayaa Madaxweye Axmed Siilaanyo Waxaan Doonaynaa in aannu Xisbiga Kumiye Gaadhsiino Heerka uu Tagan yahay Xisbiga Koonfur Afrika ee ANC (African National Congress markaa waad Garanaysay Xisbi La Jecel Yahay Rag Waaweyn oo Ruug Cadaa Siyaasi Hogaaminayaan oo leh aragti iyo hiigsi Siyaasad Wakhti Dheer rag iminka Ismaba maqalo ismana aragno waxaan u arkaa annigu inay kaaftoomeen waa Rag isku Filan ayuu Aqoonyahan Sulub Hadalkiisa kusoo Gunaanaday.
Si Kastaba Ha ahaatee Isbarbar Dhiga Xisbiga Kulmiye ee Wakhtiyadii Hore iyo Iminka Ayaa ku Soo Beegmaysa Xilli Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland IclaamiyeenXilliga ay Qabanayaan Doorashooyinka Madaxtooyada ee Somaliland waana Xilligii loo Baahnaa Xisbigu inuu Laba Kaclayn iyo Olole Balaadhan Sameeyo Balse Wuxuu Taagan Yahay “NINNA DHAQASHUU KUUGU DHABAR JABAY NINNA DHUUNUU KUU DHEX JOOGAA.
Xigasho Wargeyska Sahan