Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) Waxaanu Hada ku aqoonsanahay Wasiir Cali Xasan (Cali Qaran)
Hogaaminta iyo dad jacelka labaduba waa dareen dadnimo Oo ilaahay ugu deeqo dadkiisa qaar una yeelo haybaday lahaayeen labadan Masuuliyadood waana Mid ku yar Siyaasiyiinta dalkeenu inay kusoo abaal celiyaan shacabkii duhurada badan utaagna cadceeda siday codkooda ugu dooran lahaayeen
Doorashadii lagu soo kal dooranayey xildhibaanada Aqalka Baarlamaanka Ee dalka ka dhacday 29 – 9- 2005 Waxay kulmisay kala Muuqashada Masuuliyiin joogay muddo badan xilkana haya Se maalin aan ka ag wareegin shacabkii codkooda ugu hiiliyey iskada inay shilin ugu deeqaan mashaariicda ka socota deegaanadii laga soo doortay
Siyaasiga sumadahan leh waxay shacabku ka barteen casharo aan dhamaad lahayn Oo ay galiyaan Taariikhda aan duugoobin waxba yaan dareen abaarin kuwii shalay doonayey xilalka Ee maanta aan ka warqabin xaaladahay ku sugan yihiin deegaanadii laga soo doortay Se waxaan uga jeedaa in aynu kala garano Siyaasiga Inoo Nasteexaa Ee Dareenka inala qaba Maalintay inoogu daran tahay
Cali xasan Maxamed (Cali Mareexaan) wuxuu kamid ahaa Tiradii Xildhibaanada Ee laga soo doortay gobolka Togdheer kamuu Mid noqon kumaan dhigiisa Oo dhagaha ka fureystay Shacabkii soo doortay Ee Marfashyada Caasimada Wada Raadka ka dhigay
Gobolada dalkani ka kooban yahay waxay ku kala horumareen siday masuuliyiinta ka tirsan Xukuumada Markaa Talada dalka haysaa Ay dadaal U dul dhigaan deegaanadooda ugana qeyb qaatan kaabayaasha horumarineed yadoo shacabkana la dareen siinayo in loo maqan yahay
gobolka Togdheer wuxuu ku faana laba geesi Oo udhigma kumanaanka siyaasadu saboolka ka dhigtay Ee aan maalin ka qeyb qaadan dhisme iyo dhagax meel loo dhigo Deegaanada hoos yimaada gobolka mawle haka abaal mariyo Labada Masuul Ee kala ah Xildhibaan hore hadana ah Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo guryeynta Mudane Cali xasan Maxamed (Cali Mareexaan) iyo Mudane Xildhibaan Maxamed Yuusuf waabeeye Oo Hore uga Tirsanaa Xisbiga Muxaafidka Ee kulmiye Balse saluuga siyaasadu kala didisay Saaxiibadii waayaha badan Soo wada joogay garoomada siyaasada Oo Isagu hada ka Tirsan xisbiga Mucaaridka Ee Waddani
Siyaasadu waa wareegto aan lahayn goob loogu hagaago lagana Wada hago duufaamaha siyaasadeed Ee ka jira dalka yadoo xaaladaha xisbiyada iyo hogaamada kala hagayaa ay door Muhiima ku leeyihiin Farshaxan la’aanta ka jirta Hab socodka ay ku Maamulayaan Siyaasadooda
Wasiir Cali Mareexaan iyo ganacsade INA DABLE Waxay Maalmihii lasoo dhaafay gobolka Togdheer soo gaadhsiiyeen Diyaarad Sida Daawooyina Oo Uu wasiirku Bixiyey Lacagtii lasoosiiyey Daawooyinka Halka ganacsaduhuna Uu Bixiyey Lacagtii Diyaaradu kusoo qaaday Daawooyinka Oo ay ugu deeqeen Wasaarada caafimaadka Ee gobolka Si Loogu Daweeyo dadka Uu Asiibay Xanuunka Shuban biyoodka Oo ka jira guddaha Magaalada burco
Masuuliyiin badan Oo xilalka qaranka haya qaarna ay ka tageen waxay caado ka dhigteen kala xigsashada shacabkooda yagoo reero iyo raasnimo U kala qeybiyey ugana Faa’ideysteen awoodihii qaranku siiyey inay ku hantaan Awoodaha Musdanbeedkooda
Wasiir Cali Mareexaan Maanta iyo Shalay Muu Noqon Intaan Aragti siyaasadeed ka Aqaano siyaasi isbadal lasameeyey Xilka loo dhiibay kama Muuqato inuu ka daalay waxqabadyadii Uu hore uga geysan jiray Deegaanada kala duwan Ee dalkeena iyo Doorkii Uu ku lahaa Dhiirigalinta Ururada dhallinyarada Iyo Shaqa abuur kaba
Weedhaha gabagabada Ee qoraalkani xanbaarsan yahay waxaan uga dan leeyahay inaynu ogaano Qof ama koox kasta Oo ka qeyb qaadata gurmadka Dadkeena loo sameynayo Waa waajib ina wada saaran in aynu ku xusno xarfo
‘’ Mudane :Wasiir Cali Xasan Maxamed (Cali Qaran) waxaan ku haynaa Abaal aan dhamaad lahayn Markasta way ku xasuusan doonaan Shacabka dalkani leeyahay Haka daalin horumarka dalkeena Cimriga iyo Caafimaadka ilaahay haku barakeeyo ‘’
Alla Madleh
Sakariye Cabdikariim