Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ahna Murashaxa MadaxweynahaXisbiga WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya magaciisa, ka xildhibbaanada golaha Wakiilada, hoggaanada, guddiyada fulinta, garabbada dhallinyarta iyo haweenka iyo taageerayaasha Xisbiga WADDANI ee kala jooga gudaha iyo dibadda dalka, wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo ka tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) oo maanta 5/06/2017. ku geeriyooday Magaalada Hargeysa.
Dr.Cabdiraxmaan Cirro, wuxu sidoo kale tacsi u dirayaa ehelkii, qaraabaddii, qoyskii iyo caruurtii uu ka baxay marxuum Mujaahid Maxamed Biixi Caalin (Ooto) isagoo ku sifeeyey Marxuumka inuu ahaa Mujaahid ka soo qayb-qaatay halgenkii dib u xorreynta dalka iyo dib u heshiisiintii –beelaha Somaliland,
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro wuxuu tilmaamay inuu Marxuum Ooto Biixi Caalin ahaa shakhs helyey qaran oo la tebi doono.