Waxgaradka Deegaanada Ay Marto Wadada Ceerigaabo Oo Si Cadho Leh Uga Jawaabey Xubno Xisbiga WADDANI ka Tirsan Oo Ceeb Aaney Lahayn Ku Sheegay Wadada Ceerigaabo

0
546

Shacabka Gobolka Sanaag Oo Majeertay Waxqabadka Wadada Ceerigaabo

Waxgaradka,Haweenka Iyo aqoon yahanka Gobolka sanaad ayaa si adag ugu jawaabey xubno ka mid ah xisbiga WADDANi oo bogo bogaando ka fidinayey mashruuca wadada ceerigaabo ee xidhiidhisa gobolada togdheer iyo sanaag.

Waxaaney sheegeen in dadka caadeystay inay waxyeelo afka ah ugeystaan wadada ceerigaabo waxba ka tarayn-nin sidoo kale waayeelka iyo waxgaradka ayaa mahadiyey waxqabadka wadada ceerigaabo iyo waxqabadka baaxada leh ee wasiirka wasaarada hawlaha guud Muddane Cali Mareexaan oo uu mudadii uu gacanta ku hayey isbadal weyn oo lataaban karro ka muuqdo waxaana halkaa ka hadlay suldaan cabdi cadood. “waxaanu ka daawaney warar dacaayada oo wasiirka hawlaha guud waa wasiir tayo leh oo wax badan ka qabtay wadada wax ka jiraana ma jiraan mudadii u joogay waxbadan buu qabtay beentuna waxba matarayso ishaa macalina waana rikoodh uu madaxweynaha Somaliland iyo wasiirka hawlaha guud kaga tageen” mid ka mid ah haweenka gobolka sanaag ayaa iyaduna dhankeeda ka hadashay aragtideeda ku aadan wadada ceerigaabo waxaaney luuqad adag kula hadashay xisbiga WADDANI hadalkeediina waxaa ka mid ahaa.”qolada xisbiga waddani ee dacaayada la wareegaysa waxaan lee yahay noogadaaya wadada cayda anagaa maalin walba marna oo ka manaafacaadsanay wadadii habeenka iyo maalinta loo soconayey  burco iyo ceerigaabo imika afar saacadood baa loo kala socdaa khudaarta burco fiidka ka soo baxdaa 11:00 habeenimo ayey na soo gaadhaa waddanina lama arag meel ay marayaana lama arag cid ay caawiyeena lama arag meel ay wax ka qabatayna lama arag.

Suldaan cabdi cadood oo ka mid ah qoorweyta deegaanka ayaa xisbiga waddani ku tilmaamau qaar aan ka war hayn wadada ceerigaabo wuxuuna yidhi.” Waxaan arkayey niman ka hadlayey wadada ceerigaabo iyagoon ka war hayn halka ay marayso iyo sida ay usocoto maka xaasidnimaa ma hebel ku xumeebaa ma tvga uun istaag baa waar adeer wadada anagaa uwar hayna madaxweynuhu wax wuu qabtay mashrucii ugu weynaa ayuu qabtay gobolka sanaag isagoo godoon ah oo dalka intiisa kale ka go,an buu ku soo daray oo ufuray wasiirka cali mareexaan isagaa wadada dhaqaajiyey halkay maanta mareysona waa la ogaa halkay markii hore taagnaydna waa la ogaa waa ninka kaliya ee guntiga dhiisha iskaga dhigay inay wadadaasi dhisanto oo ay isku xidhanto waa cali mareexaan dadkana waxaan leeyahay wadadii wey dhamaatay ee xaasidniada ka daaya, mid ka mid ah waayeelka deegaanka ayaa sheegay inay jiraan xubno deegaanka ah oo inkiray inay wadadasi dhaqaaqdo” ragbaa jiray lahaa wadadaasi socon mayso kuwii warkoodii socon weydey oo iyagii baa soo maray wadan waxba kama hadhin daamur yar oo la saaro uun baa noo haday kuwii aan wadada waxba ku darsan dhamadkeedana kama hadli karaan waxaanu ugu necabnahay shaydaanka waxaanuna kasii neceb nahay ninka waxqabadka siilaanyo ka horyimaada.

Mid ka mid ah aqoon yahanka deegaanka ayaa majeertay waxqabadka balaadhan ee wasiirka hawlaha guud wuxuuna yidhi” waa nin wax qabtay waa nin shaqaynaya oo danta qaranka ka shaqaynaya anigu waxaan lee yahay waa nin shaqadiisa ka soo baxay markaa hala kala saaro waxqabadkiisa iyo in qofka sidiisa layskaga maago.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here