Maayerka Caasimada Cabdiraxmaan SOLTELCO Oo Xaraashay Dhulkii Injida Hargeysa Iyo Xildhibaano Ka Biyo Diiday Dufan Farahooda Duuga

0
522

saxeexa xildhibaanadainjida

Xildhibaano Codsadey In Kalfadhi Lagu Xisaabinayo Maaliyadii Dawlada Hoose La Qabto Iyo Maayerka Oo Dhegaha Ka Fureystay

Xildhbaanada Golaha Deegaanka  Caasimada Iyo Maayer Soltelco Oo Fiintu Dhexmiranayso

Maayerka Caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Caydiid (SOLTELCO) ayaa xaraashay dhulkii injida magaalda hargeysa. Maayerka ayaa si qarsoodiya u iibiyey dhulkii danta guud ee INJIDA hargeysa isagoo maayerku ka iibiyey ganacsadaha ina afdiinle isla markaana ka siiyey lacag xadi badan

Ilo xogogaala ayaa sheegaya in maayerka oo kaashanaya dilaaliin udhego nugul inay nashqadeeyeen shax dabin ah oo ay ugu talo galeen inan cidna ogaan inay jaxaasteen maaliyadii ay ku xaraasheen dhulkii injida.

Dhulkan injida ayaa  maayerkii hore ee caasimada cawl Cilmi Cabdalle heshiis kirro kula galay ganacsadde Maxamed Ismaaciil Tarabi heshiiskaas oo udhignaa in muddo shan iyo tobbon sanno ah  laga kireeyo ganacsadaha kor ku xusan in lagaga kireeyo hal malyan oo shilin bishii, isla markaana ganacsaduhu qadimo lacagta tobbanka sanno ee hore isla mar ahaantaana bixiyo Boqol Iyo Labaatan Milyan oo kaliya. Sidoo kale waxaa ganacsadeha heshiiska lagula galay in shanta sanno ee hadhay uu ku dayactirro bakhaarka . heshiiska oo bilaabmay 1\oct/20001 kuna dhici doona 1/oct/2016. Heshiiskaas oo hore u saxeexay maayer cawl Cilmi Cabdalle iyo Maayer ku xigeenkii waxkhtigaa  Maxamed axmed Caalin (TIMBARO) iyo Xoghayaha wakhtiiga .

 balse waxaa dhamaadkii kirada ka faa,ideystay oo si dhuumasho ah u iibiyey maayer soltelco oo kaashanaya dilaalin daacad u ah waxaana damaca maayerku sabab unoqdey in ay ka gadoodaan xildhibaanada ugu badan golaha deegaanka  caasimada kuwaas oo ka horyimi in maayerku xaraasho dhulkii injida caasimada waxaney dalbadeen in golahu ka doodaan in la iibiyo ama dib loo kireeyo oo sharciga la mariyo isla markaana ay dalbadeen in kal fadhi layskugu yimaado balse waxaa ka dhego adeygay maayerka oo xaalka ubadelay dhuumasho dhabarku muuqdo.

Lacagtan lagu iibiyey dhulkii injida ayaa la baafinayaa halka ay martay iyadoo aan loo marin hab sharci waxaaney seefta isugu dhiibtay xildhibaanadii golaha iyo maayerkii caasimada

Xildhibaano gadoodsan oo farahooda dufanka dilaalku duugin ayaa ka badheedhay isla markaana qaawiyey  dhulkii tagrifalka noqdey ee lagu kala gooyey baradii  baradii injida waxaanay codsadeen in la cadeeyo halka ay martay lacagtaasi isla markaana iibka dhulkaa loo soo marro hab sharci ah.

Falkan dhiig-bax ah ee maayerku lacagta kaashka ah kaga tirsadey ganacsadde ina afdiinle ayaa ah mid lagaga faa,ideysanayo wakhtiga kala guurka ee lagu jirro.

Waxaana soo ifbaxaya falal isbiirsadey oo taxane unoqdey in maayer SOLTELCO ku dhiirado inuu malafsaddo  ah isagoo hore dhuumasho dhabarku muuqo u xaraashay dhulkii danta guud isla markaana u gacan dhaafay dawlada dhexe oo iyadu masuulka ah dhulka dalka.

Dhawaaqa xildhibaanada gadooday ayaa umuuqda mid toosh ku soo jeediyey hanti dhawrka guud iyo komishanka maamul wanaaga iyo Musuq-Maasuqa taas oo sabab unoqon doonta inay ku dhiiradaan hadalkii madaxweyne siilaanyo ku amray in ila ilaaliyo wakhtiga kala guurka hantida ummada.

 

Hoos ka Akhri Warqadda lagu kireeyay wakhtiiga hore iyo warqadi codsiiga xildhibaanada Goolaha Degaanka Hargeysa ku dalbaden kalfadhi aan caadi ahayn si ay ula xisaabtamaan maayerka oo ay geeyeen wasaaradda arrimaha gudaha iyo badhasaabka gobolka maroodijeex.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here