Kooxihii Budh-cad Baddeeda Ahaa Oo Dib Usoo Laba Kacleeyay Iyo Doon Ay Ka Qafaasheen Xeebaha Puntland.

0
615

budhcadKoox burcad baddeed Soomaali ah ayaa lagu waramayaa in goor dhaw Doon ka qafaasheen xeebaha Puntland, gaar ahaan deegaanka Caluula oo ka tiran gobolka Gardafuu.

Warka ku saabsan Doonta la qafaashay waxaa wariyaheena Feysal Boston u xaqiijiyay nabadoon Aadan Saciid Xeyley oo ka mid ah culaasha deegaanka laga qafaashay Doontan, lamana garanayo halka kooxaha burcad badeeda ah la tageen.

Dhinaca kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qof uu ku dhintay iska horimaad dhaxmaray kooxaha burcad baddeeda ah iyo shaqaallihii la socday Doonta, Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay ilaa iyo hadda laamaha amniga maamul gobolleedka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here