Dawlada Masar Oo 48 Qof Ku Maxkamadaynaysa Tuhuno Galay Awgeed

0
473

Falalka Amni Darrada ah ee ka dhaca Dalkaasi Masar ayaa ah kuwa had iyo jeer Werwer galiya Dadka ku nool Dalkaasi waxaana Muddooyinkan danbe qaraxyo lala beegsaday Kinniisado ku yaalla Dalkaasi oo ilaa iyo haatan la baadhayo Dadka qarxiyay.

Xeer Ilaaliyaha guud ee Dalkaasi Masar oo magaciisa la yihaahdo Nabiil Saadiq ayaa maalintii Axadii ee 21kii bishan aynu ku jirno waxa uu Maxkamadda hor keenay 48 qof oo la tuhunsanyahay inay ku lug lahaayeen Qaraxyadii lagula kacay Kinniisadihii Magaalada Alexandria.

Xeer ilaaliye Nabiil ayaa waxa uu sheegay in Dadka gacanta lagu hayaa ay tabbabaro kusoo qaateen Dalalka Suuriya iyo Liibiya tabbabarkaasina ay soo siisay  Daacish, waxaanay ka qayb qaateen ayuu yidhi qaraxyo Saddex ahaa oo lala beegsaday Kinniisado kala duwan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here