Boqorka Dalka Holland Oo Shaqo Aanay Shacabkiisu Ogeyn Qaban Jiray Muddo 21 Sanna ah

0
423

Boqorka dalka Holland, Willem-Alexander ayaa la sheegay inuu muddo 21 sannadood si qarsoodi ah ugula shaqeyn jiray shirkadda Diyaaradaha KLM duuliye diyaaradeed, aanu shacabka ogeyn

Boqorka Holland ayaa qisadan Markii ugu horeysay ka sheegay wareysi Telefishanka Holland Uu la yeeshay inuu shaqada duuliyenimada Oo hamigiisa ahayd kacaawin jiray shirkadda diyaaradaha Ee KLM uguna shaqeyn jiray Mushahar la’aan.

Muddo 21 sannadood ah ayuu Mr. Alexander bishiiba laba jeer duuliye ka noqon jiray diyaaradaha isaga kala goosha dalka Holland dhexdiisa Ee shirkadda KLM.

In kasta Oo la sheegay in rakaabka diyaaradahu badi aqoonsan jireen codkiisa, xilliyada uu sheegayo isbeddelka cimilada iyo xilliga diyaaradu fadhiisanayso Madaarka, balse marnaba lama shaacin shaqadiisa duuliyenimo.

Diyaaradihii boqorka Holland duuliyaha labaad ka noqon jiray oo nooca   Fokker 70 ayaa xilligan la sheegay in shirkadda diyaaradaha KLM joojisay isticmaalkooda, taasoo keenaysa inuu barto noocyada waaweyn ee   Boeing 737s.

boqorkan da’diisu yadoo ay tahay 50 jirka, oo sheegay inay hamigiisa ahayd shaqada duuliyenimadu, uuna ku raaxaysan jiray xilligan uu ku jiro, balse wakhtigan aanu qorshaha ugu jirin inuu barto sida loo kaxeeyo diyaaradaha waaweyn ee Boeing.

“Inkastoo codkayga Rakaabku maqli jiray, haddana cidna ma ogeyn shaqadayda duuliye.” Ayuu yidhi boqor Willem-Alexander

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here