Yaa lahaa isku Daygii Dilka Kim Jong Un ee bishan gudaheeda ee Loo Adeegsaday Maadada Bitro Kimikada?

0
579

Dawlada Kuuriyada Waqooyi ayaa waxa ay daaha ka qaaday arintii ku saabsanayd iskudaygii dil ee dhowaan la hadalhayey in lala beegsaday madaxweynaha ugu da’da yar Madaxweynayaasha Adduunka Kim Jong Un.

Wakaalada wararka ee Yonhab ee Kuuriyada Koonfureed ayaa baahisay video kooban oo ay ka soo xigatay Telefishinka ay gacanta ku hayso Xukuumada Pionang kaas oo muujinaya qof lagu sheegay inuu yahay Muwaadin u dhshay W/Kuuriya oo qiranaya in uu qayb ka ahaa hawlgal qarsoodi ah oo ay Sirdoonka Maraykanka ee CIA iyo Hay’ada dhanka basaasida u qaabilsan K/Koonfureed ay si wadajir ah ugu dilayeen Madaxweyne Kim Jong Un, ka dib markii ay si dhuumasho ah xubnahaasi ku soo galeen Waqooyiga Kuuriya.

 

Ninkan telefishinka la horkeenay waxa uu qiraalkiisa ku darayaa in isaga lagu khiyaameeey hawsha dexdeeda, taasina ay ku kalliftay inuu isu dhiibo dawladiisa.

 

Dawlada K/Waqooyi ayaa hore u baahisay in koox u shaqaynaysa Hay’adaha sirdoonka Maraykanka iyo K/Koonfureed ay isku dayeen inay Dilaan madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi iyagoo adeegsanaya maadada Biochemical-ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here