Xukuumada Somalia oo Puntland Ku Eedaysay Fashilinta Shir Muhiim Ah Oo Ka Dhici Lahaa Jaziirada

0
513

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa ku eedeeyay maamul goboleedka Puntland in ay fashiliyeen shir muhiim ahaa oo ay uga qeyb gali lahaayeen Jaziirada Seychelles.

Shirkan ayuu sheegay Wasiirka in looga hadli lahaa heshiis laga gaaro sidii loo qeybsan lahaa Kalluunka loo yaqaano Tuunaha oo ka dhici lahaa Jaziirada Seychelles, waxa uuna ku ededeeyay maamulka Puntland in ay sabab u noqdeen in aysan shirkaasi fashilmo.

 

C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheegay in ujeedka shirka Seychelles uu ahaa in lagu saxiixo heshiiskii qabyada ahaa ee la gaaray, maamulka Puntlabd ayaana la sheegay in ay diiday ka qeyb galka shirkaasi iyo waxii kasoo baxa.

 

 

Waxa uu sheegay Wasiirka in nasiib daro tahay in Puntland ay diido shirkaasi ayna fashiliso, waxa uuna tilmaamay in Puntlnad isku aragto mid ka duwan maamulada kale ee dalka ka jira ayna isku maleyso dowlada Federaalka oo kale sida uu wasiirku tilmaamay.

 

Wasiirka Kalluumeysiga Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Cabdi Xaashi ayaa sheega in uu arintan ku wargaliyay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre kana codsaday in la baajiyo shirkaasi maadaama la isku fahmi waayay heshiiskii qabyada ahaa ee horey loo gaaray.

 

Dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ka jira ayaa bishii hore wada gaaray heshiis qabyo ahaa oo lagu qeybsanayo kalluunka tuunaha, Puntiland ayaasa ka baxday heshiiskan iyada oo isku aragta mid ka tun weyn maamul goboleedyada kale ee dalka ka jira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here