Waa Imisa Basaasiinta Maraykanka ee Shiinaha Lagu Dilay 2 sano gudahood?

0
480

Wargayska dalka maraykanka ee Newyork Times ayaa baahiyey warbixin uu ku soo bandhigay tirada basaasiinta ee u shaqaynayey Hay’adda Sirdoonka Maraykanka CIA ee ama lagu dilay Dalka Shiinaha amaba lagu xidhay mudadii u dhexaysay 2020 ilaa 2012.

Wargaysku waxa uu daabacay in ugu yaraan 20 basaas oo CIA ka tirsanaa inay ku baxeen gacanta dawlada shiinaha ama  xabsiyada lagu hayo qaarkood, mudadaa labada sanadood ahayd, taasoo wargaysku ku tilmaamay inay caqabad ku noqotay hawlihii dhanka sirdoonka ee Maraykanku mudada dheer ka wadeen dalka Shiinaha gudahiisa.

 

Mas’uuliyiin Maraykan ah oo aan magacooda la sheegin ayaa Wargaysku ka soo xigtay inay filayaan in ama la jabsaday xogaha CIA ama lagu dhex beertay basaasiin labo wejiilayaal ah oo shiinaha u gudbiyey magacyada basaasiinta Maraykanka ahayd ee ku sugnayd wadankooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here