Raadiyow hargeysa yaa Noo garnaqa

0
566

Halkani waa raadiyow hargeysa (Codka jamhuuriyada Somaliland) Oo hada noqotay halkani waa Raadiyow Hargeysa (Codka Beelaha kulmiye Taageersan)

 

Saacadu waa 1:40 pm daqiiqo waxa soconaya warkii duhurhimo xidhiidhiyaha Raadiyuhu Waa Wariye Maxamed Cali Waji waxa lasoo gaadhay Qodobka War kusaabsan xalfad xisbiga kulmiye Shalay Oo Taariikhdu ahayd 20 -May -2017 Uu ku qabtay Hotel Kaah Ee bariga Magaalada hargeysa loona qabtay Taageerayaal kusoo biiray Wariyaha Codka warbixinta Duubay waa Ridwaan Akiid

 

Durbaanada kala duwan Ee lagu galbinayo Mashxada haweenkuna waxay ka dhexmuuqdaan Warbixinta Codadka Madaxda Xisbiga kulmiye kama maqna yaguna Wali maan aqoonsan cududa taageero Ee loo qabtay munaasibadani ciday yihiin Se waan sugayaa waxay noqon xalfadu

 

Khudbadaha dadka xalfada ka hadlayaa waxay umuuqdeen dad laqiireysan ku biiritaanka xisbiga kulmiye show waaba beel ay wada xadreysan yihiin Salaadiin.aqoonyahano,Haween iyo Dhallinyaro horena usoo qaatay waxay golaha siyaasada la iman lahaayeen

 

‘ Abti Muusow Anagu hadaanu nahay ‘’Garxajis ‘’ Waanu kusiinaynaa codkayaga ‘ Erayga aan qoraalkan uga danleeyahay waa kan aan kor kusoo xusay waa Codka wiil dhallinyaraa sidaan ka dhadhan saday codkiisa waa Mid kamida Dhallinyaradii dalkani ubaahnaa inay ka shaqeeyaan siday shacabka umideyn lahaayeen Laakiin Nasiib xumo wuxu hiil baday xisbi kumaan dhallinyaraa Oo ay shalay isku meel joogeen ka dhigay inay baddaha Nafahooda kuwaayaan halku maanta wax ka badali lahaa ayuu ku faraxsan yahay inuu Fagaaraha kanoqdo geesi lawada Tilmaamo hadalkiisa

 

Waa caado aan lahayn dhamaad inay xisbiyada Kulmiye iyo Waddani shacabka ay uqabtaan xalfado beeluhu ku sameeyaan bandhigooda qabyaaladood yadoo Masuuliyiinta labadaa xisbi saldhig unoqdeen isbaheysiyada qabyaaladeed Ee dhallinyarada aan ogeyn waayihii iyo wakhtigii adkaa Ee dalkeenu kasoo kabtay ay dib ugu celinayaan

 

Wasaarada War-faafinta dhaqanka iyo wacyigelintu Waa mid kamida haayadaha Dawlada Ee Sida badheedhka ujabiyey xeerarka dalka uyaala yadoon aanay kamuuqan horumar laga sameeyey qaabka warbaahineed Ee Muuq-baahiyaha qaranka iyo Raadiyaha Oo aan helin wali horumar balaadhan taasu waxay cadeynaysa maamulka ka hawlgala Wasaaradaasu inay kaba hurdaan Oo aanay aqoon ulahayn mihnada saxaafada iyo waajibaadka kasaaran wasaarada

 

Xeerka Nidaamka ururada iyo Asxaabta Siyaasada Ee Xeer Lr 14/2000 Oo kaabis iyo wax kabadal lagu Sameeyey loona badalay Lr14/2011 wuxuu Sheegayaa Qodobkiisa 8aad Xuquuqda xisbiyada qaranka waxay dhigaysaa Faqradiisa Koobaad Xarafkeeda ‘’ B ’’

 

1.Xisbiyada Qaran Ka Ee la siiyey shahaadada xisbinimo siyaasadeed, waxay xaq uleeyihiin:

B.Inay Si Siman U adeegsadaan Warbaahinta Qaranka.Waxayna Yeelan karaan Warbaahin Ugaar ah Markay ogolaansho ka helaan Haayadaha Ku shaqada Leh

 

Dastuurkuna wuxuu siiyey xisbiyada awoodo dastuuriya Oo ay ku yeelan karaan warbaahino ugaara iyo awood ay ku isticmaali karaan warbaahinta dawlada waxay hadana dawladu saartay cadaadis warbaahineed Oo aan loo marin sifooyin sharciga waafaqsan

 

Khaladka ka dhaca wasaaradu Maaha mid lagu Eedeyn karo Wariya yaasha ka hawlgala wasaarada Waayo waxay cadaadis kala kulmayaan haayadaha dawlada Ee ay u adeegaan marna Waxay noqon kartaa inay usoo kala dheereeyaan Aflagaadada xisbiyada dalka yago ka faa’ideysanaya Fursadaha Dhaqaale Ee lagu siinayo taasuna waa sababta keentay inay wasaaradu noqoto midaan lagu soo xulin shaqaalaheeda aqoon iyo Xirfad toona

 

Wasaarada iyo Shaqaalaheedu waa inay gartaan inay sidaan masuuliyada qaran Oo aan looga faa’ideysan Karin awoodooda warbaahineed in lagu aflagaadeeyo laguna soo bandhigo Siraha Xisbiyada Qaranka Ee laga dhexqabto baraha bulshadu ku xidhiidho waayo waxay Qurba jooga iyo Qaran jooga badan Oo diidan Baaqyada qabiilka layaab kunoqota Markay Arkaan warbaahintii Qaranka Oo ka daran warbaahinaha gaarka loo leeyahay

 

Warbaahinta qaranka waxa daawada kumanaan kamida dadka dunida ku noolo Oo ubadan Dhallinyaro.Aqoonyahano iyo Cilmi baadhayaal Ajaaniba Oo jecel inay maruun warbixino ka sameeyaan Taariikhda dalkuna leeyahay laakiin haday sidan kusii socdaan iskada inay cidi inoo timaadee waxa dhici doonta inay warbaahinta dunidu ina aamini weydo………

Sakariye Cabdikariim

Alla Mahad leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here