Daawo: Maraykanka iyo Dalalka Khaliijka oo uu Shir uga Furmay Magaaladda Riyadh ee Boqortooyadda Sucuudiga Iyo Nuxurka Khudbadii Madaxweyne Donald Trump

0
592

Kulan madaxeedkii Dalalka carabta, Islaamka iyo maraykanka ayaa si rasmi ah uga furmay Magaalada  Riyaad ee Dalka Sucuudiga iyadoo ay soo xaadireen in ka badan 50 hogaamiye

Donald Trump oo halkaa khudbad ka jeediyey waxa uu xooga ku saaray khudbadiisa ka hortagga argagixisada waxana uu ka dalbaday wadamada Islaamku inay u midoobaan sidii ay hawshaa wax uga gaysan lahaayeen .

Khudbadiisa waxa kale oo uu madaxweynaha Maraykanku kaga hadlay  dimuqraadiyada iyo xuquuqda aadanaha, waxana uu sheegay in aanu halkaa u iman si uu ugu sheego sida ay dadku u noolaanayaan

Madaxweynaha Maraykanku waxa uu soo qaaday Dalka Iran oo uu ku tilmaamay wadan leh taariikh dheer oo soo jireen ah laakiin xiligan ay dadkeedu la dhibaataysan yihiin siyaasadda lagu hogaaminayo, waxana uu ku eedeeyey Iran inay taageerto argagixisada.

 

‘Bani’aadamka oo dhami waxay na soo eegayaan anaga si aanu uga hortagno caqabadaha ugu waaweyn ee dunida ka jira , hadii aanaan sharkaa ka hortegina mustaqbalka caalamku waxa uu ku dambaynayaa colaado iyo dhibaatooyin aan laga soo waaqsan’ sidaa waxaa shirweynaha ka sheegay Madaxweynaha Maraykanka donald Trump oo madaxdii dhegaysanaysay uga mahadnaqay masaafada dheer ee ay safarka soo galeen si ay ula kulmaan

 

Boqorka sucuudiga oo shirweynaha furay waxa uu uga mahadnaqay Madaxweynaha maraykanka booqashadiisa uu ku yimid Dalkiisa, waxana uu dhaleeceeyey siyaasadaha Jamhuuriyada Iran ee ku aaddan gobolka bariga dhexe iyo guud ahaanba caalamka.

 

Boqorka Dalka jordan Boqor Cabdallah oo shirweynahaa ka hadlay waxa uu sheegay in argagixisadu aanay ahayn dad islaam ah, ilaalinta Magaalada Quddus-na ay tahay astaanta koowaad ee wada noolaanshaha, loona baahan yahay  inay dadkeedu si isku mid ah nabad ugu wada noolaan karaan uguna wada cibaadaysan karaan .

Boqor cabdallaha Urdun waxa uu sheegay in hal bilion oo muslimiin ah ay danaynayaan inay bulshada kale ee caalamka la wadaagaan wada noolaansho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here