Kabtanka Argentina 37-gool ayuu shabaqa ku shubay taasoo ka dhigan inuu 8-gool ka sareeyo Luis Suarez oo kusoo xigay ahaana xidigii hantay abaalmarintaan xili ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kalana Cristiano Ronaldo ayaa soo tiigsaday booskq 3-aad kaas oo dhaliyay 25-gool.
Waa markii afaraad oo uu ku guuleysto kabta dahabka gooldhalinta La Liga, isagoo horay usoo hantay 2009/2010, 2011/2012 iyo 2012/2013
Sidoo kale Lionel Messi wuxuu qarka u saaran yahay inuu ku guuleysto abaalmarinta Golden Shoe ee la siiyo xidiga ugu badan ee goolal dhaliyay horyaalada yurub iyadoo la xisaabinayo dhanka dhibcaha – waxaana usoo dhawaaday Bas Dost oo 34-gool dhaliyay iyo Pierre-Emerick Aubameyang oo 31-gool dhaliyay.
Si kastaba Lionel Messi wuxuu barbareeyay rikoor uu Ronaldo horay u dhigay kaas oo ahaa inuu afar jeer ku guuleystay afar jeer gooldhalinta horyaalada yurub – 3-jeer Madrid ayuu ku qaaday halka hal jeer uu ku qaaday Manchester United.