Daawo: Askari Fashiliyey Qarax Lagu Dili Lahaa Saraakiil Sar Sare Oo Isaga Ay Alshabaab u Adeegsan Lahayd & Abaal Marinta la Gudoonsiiyey

0
547

Maamulka gobolka hiiraan ayaa abaal marin siiyey askari ka tirsan ciidamada XDS ee gobolka Hiiraan kaasoo soo bandhigay waxyaabo qaraxa oo Al-Shabaab ay kula ballaameen inuu ku dilo qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda.

Askarigan oo lagu magacaabo Maxamed Cali Axmed oo faahfaahin ka siiyay sheekada ku saabsan xiriirka dhaxmaray isaga iyo saraakiisha Al-shabaab waxaana uu xusay inay xiriir la soo sameeyeen kulana ballameen in walxaha qarxa u geliyo xerada Lama-galaay oo saldhiga u ah qeybta 21aad ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

 

Waxay i weydiiyeen inaan awood u leeyahay gelida xarumaha waaweyn ee ciidamada xoogga dalka iyo kuwa AMISOM, waxaan u sheegay inaan tagi karo, intaa kaddib qofkii talleefoonka igula hadlayay ayaa igu yiri qofka aan u baahannahay ayaa tahay, howl inaad inoo qabato ayaan rabnaa wax kasta oo aad u baahan tahay waan ku siineynaa’’ ayuu hadalkiisa askariga ku sheegay.

 

“Arintan waxaan la socodsiiyay qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada iyo kuwa AMISOM, talleefoon ayaan kula hadalnay sarkaalkii ka tirsanaa Al-shabaab ee arintan xiriirka igala soo sameeyay, waxaa uu igu yiri in 50 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda ay ku dhintaan qaraxan waxaa nooga qiimo badan hal sarkaal oo ka tirsan ciidamada dowladda ama kuwa AMISOM, magacyo ayuu ii qoray oo ah saraakiisha ay rabaan in qaraxan lagu dilo, waxaa ka mid ahaa Col. Xassan Jaamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti iyo Jen. Towane Axmed Gure oo ay taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan”’ ayuu yiri askarigan.

 

Deegaanka Gabarlaawe oo 3-km u jira Beledweyne ayuu sheegay askarigan iney kula balameen raggii Shabaabka kaddib markii ay ka biyo diideen inay gudaha u soo gallaan magaalada.

 

“Waxaan diyaarsaday ciidamo qarsoodi ah oo gacanta ku dhiga ragga qaraxa waday, hasse ahaatee markii aan ku dhawaaday oo ayey ka war helleen iney ciidamo ila socdaan walxaha qaraxa ayey goobta dhigeen wayna carareen is rasaaseyn ayaa dhaxmartay iyaga iyo ciidamada’’ ayuu yiri askarigan oo la gudoonsiiyey abaal marin lacageed oo gaareysa $300 oo uu gudoonsiiyey Taliyaha ciidamada xoogga dalka ee gobolka Hiiraan Jen. Towane Axmed Gurey oo ka mid ahaa saraakiishii loogu talagalay in qaraxan lagu dilo, dalacsiin ayuuna u balan-qaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here