Q-05 Takoor jacayl iyo Toddoba bixii aakhiro.

0
497

Widiga habeenkii oo dhan wuxuu dhowro jawaab uga timaada dhankii gaarida haddana may dhicin in uu jawaab ka helo dhankeedii. Soo jeed badan isla hadal iyo heeso dhagayi ayaa waagu galalac ugu yidhi ninkii saaxiib-keen. Geesugu subixiina ka kac oo shaqadiisii iska bilaabay. Haddana waxaa wajigiisa waxa wahab, caajis, daal, diif iyo hurdo la’aan laga akhrisanayo waad anfariiraysaa. Intaa wuxuu ku darsaday maah-sannaan iyo in uu karooxo maalintaa dadkii uu u shaqaynayay xataa. Waxba yaanan hadal kugu daalinne salaaddii jumce ayuu iska soo tukaday iskana soo laabay. Mar ay galinkii danbe ahayd goor sheegtuna saddexdii galabnimo ay badh uun dhaaftay ayuu go’aansaday in uu toos u waco gaariduu baholyowgu u hayo. Gacantiisa midig buu jeeb-kiisa suraalka galiyay wuxuuna kalasoo baxay dhagtii ama mobile-kii. Wuxuu lasoo baxay number-kii innant muddo tobban daqiiqo ku dhow buu ma wacdaa iyo ma ka daysaa ku murmayay. Wuxuu xoogaa caynkaa ahaadaba wuxuu si taxadar leh u taabtay badhankii wicitaanka. Markuu siddaa utaabtayba wadnihiisa garaaca ka baxaya waxaad moodaa in baanboydii wax tumayso oo qofka ag fadhiyaa wuu dareemayaa saqadha wadnihiisa. Intaa kadib gacantiisa midig oo uu mobile-ku hayo ayuu yadoo jaraynaysa kor u soo qaaday dhagtiisa midigna wuu saaray. Ilbidhiqsiyo yar uun markuu dhagta ku hayo ayuu maqlay cod leh ” Lanbar-kaad garaacday lama helikaro, fadlan markale ku celi”. Intuu nafisay buu dag-dag uga jaray oo naxdintii iyo baqdintii tirro beelka ahaa ka kala yaraatay. Intaa kadib wuxuu talo ku gaadhay in uu caawa markuu gogashiisa tago uu waco oo uu hawshaa meel saarro. Wakhtigu wuxuu socodaba waxaa lasoo gaadhay xiligii uu meheradda rawixinjiray waana tobbankii fiidnimo. Si dag-dag ah buu albabka ugu laabay si uu hawsha hore uga bilaabo. Markuu gogoshii soo diyaarsaday ayuu fadhiistay intuu mobile-kii soo qabsaday. Intaanu wicin wuxuu is waydiinayaa ama kasii diyaar garoobayaa qaab-kii uu ula hadlilahaa ama ugu qancin lahaa boholyoga iyo hilawog haya ee uu la joogi layahay. Adigu wax isku hagaaji geesigii number-keediina lasoo bax oo waxaad moodaa sidii galabta in uu ka dhiiranyahay hadda. Badhankii wicitaanka suulka ku riix uun dabadeed intuu qadadaadka u jiifsaday dhagta saaray ilbidhiqsigiiba toos u gal, dhuudh haddana dhuudh ……. Lasoco ……………

Cabdalle Ayaanle Cartan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here