DEG DEG: NIN UDHASHAY GOBOLKA AWDAL OO HADDA KU GEERIYOODAY JEELKA WAYN EE MAGAALADA HARGAYSA

0
472

Deg Deg Nin Udhashay Gobolka Awdal Oo Hadda Ku Geeriyooday Jeelka Wayn Ee Magaalada Hargaysa

Nin Lagu Magacaabo C/rahman C/laahi Xirsi Una Dhashay Gobolka Awdal Kana Soo Jeeda Beesha (Samaroon, Reer Nuur ) Oo Kamid Ahaa  Maxaabiista Ku xidhnaa xabsiga wayn Ee Magaalada Hargysa Muddo 11 Bilood Ah Isla Markaasina Uxidhnaa Rumaan Oo Aan La Xukumin Ayaa Hadda Lasoo Sheegay In Uu Ku Geeriyooday Xabsiga Dhexdiisa Kadib Xaalad Caafimaad Darro Oo Lasoo Daristay

Marxuunkani Ayaa Lasoo Sheegay Kahor Inta Aanu geeri yoonin  Dalbadey Inuu Ubaahanyahay Dhakhtar La Tacaala Xaaladiisa Caafimaad Balse Nasiib Darro Ciidamada Saldhigaasi Dhag Umay Jalaqsiin Oo Waxay Ugu Jawaabeen Inuu Isyeel Yeelayo Oo Aanu Xanuusanayn.

Dhan ka Kale Waxa Ay Maxkamada Iyo Xeer ilaalinta Qaranku Udiideen Inuu Damaanad Ku Baxo Maadaama Marxuunka Ay Lasoo Darseen Xanuuno Kala Duwan Oo Kala Ah Dhiikar ,Macaan Iyo Gaastari.

Marxuunkani Alle Haw Naxariistee Waxaa HaddaMaydkiisa  Laga Qaadey Jeelka

Si Kastaba Ha Ahaate Waxaa Iyadna Mudooyinkii Udambeeyay Xaalad Daryeel La’aaneed Ugu Geeriyooday Jeelka Madheera Marxuun Udhashay Gobolada Sool Iyo Sanaag .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here