(Takoor jacayl iyo Toddoba bixii aakhiro) Qaybtii 1aad

0
523

Wakhtiyada ilaahay kala qurux badan oo maalinba waa cayn iyo nooc gaar ah iyo jawi ka duwan maalmihii tagay iyo kuwa foodda innugu soo hayaaba. Haddaba maanta waa galab khamiisi sii baxayso jumcana la sugayo sida dhacda markasta oo khamiisi tagto in jumce soo gallo. jawiga magaaladda Burco maanta wuu roobbanyahay. Oo malaa roob aan sidaa usii waynayn baa hayay magaaladda muddo saacad kudhow. Inkastaanu roob badan ahayn haddana dhulku biyuu ka dhargay daad soconaya iyo dhoobana maleh. Dadku waxaad moodaa innay siddii hore galabta ka qurux badan yihiin oo siwacna in loogu wada labisaybaad moodaa intooda badan wajiyadooda farxad baa laga dheehan karayaa iyo dhoola-cadayn. Qorraxdu lafteedu way soo maydhatay oo intay ilaa maanta daruuraha ku jirtay ayay mar dhawayd kasoo dabaalatay oo cidla usoo baxday. Oo falaadhihii malaha galabta waxaad moodaaba dayxii oo kale nooca ay u eekaatay. Oo haddaad eegto intaad doonto ayaad indhaha ku haynkartaa oo maba laha falaadhihii indhaha kaa ridayay ee aynu qorrada ku naqaanay. Dadka galabaysanaya ee maanta la raac-raacaya jawigaa cuddoon waxaa ka mid ah Abshir Nuux oo dhalinyarada magaalada ka mid ah. Abshir wuxuu u soo kicitimay ama usoo dhaqaaqay dhankaa iyo bacadlayaasha oo meherad uu ka shqaysto aan sidaaba uga sii fogayn. Malaha haddaan qiyaaso wax aan ka badnay boqol talaabo uun buuba ujiraa bacadlaha uu kusocdaa. Wuxuu u socoday ama ujeeddadiisu ahayd in uu soo iib-sado xabbad shaadh ah oo uu barri jumcaha kusoo tukado. Wuxuu u tagay mid haysta bacadle (meesha dharka lugu iibiyo) oo ay is garanayaan. Markuu halkaa hore kasoo galay goobtii uu usocoday wuxuu indhaha markiiba uu la helay arrin cajiib ah. Waa gabadh aannu nooceeda xataa riyo ku arrag oo qoslaysa ayaa idhihiisa iyo kuweedu isku dhaceen oo taagan badhtanka meherda dharka. Gabadhaasi nooca qofeed ee ay u samaysantahay kollay maah mid qof sheeko ama qorraal loogu sawirikaro. Laakiin waan isku dayi ama isku tijaabin in aan idiin sawiro intii awoodayda ah. Lasoco……… Cabdalle Ayaanle Cartan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here