Daawo(Sawiro)Xisbiga UCID Oo Caawa Qabsaday Xaflad Lagu Dar-Dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamed Mooge Iyo Maxamuud Haybe Ee Hargaysa

0
546

Xafladdan ayaa ahayd mid lagu dar-dargalinayo Hawlaha Xisbiga Ee Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge, Sidoo kalena loogu diyaar-garoobayo qaadashada kaadh-ka cod-bixiyayaasha Doorashada Dalka Somaliland .

Xafladdan oo ahayd mid il-yartu is qabatay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Maasuuliyiinta ugu saraysa Xisbiga, Dhalinyarada Xisbiga Ee Degmooyinkaasi, Haween, Madax-dhaqameed, Aqoonyahan, iyo taageerayaal Tiro-badan .

Xubno ku hadlayay Dhalinyarada Xisbigaasi UCID Ee Degmooyinkaasi ayaa tilmaamay taageerada laxaad-ka leh ee ay Xisbiga u hayaan, iyo sida aan la isku bar-bar dhigi Karin Murashax Eng Fasyal Cali Waraabe iyo Murashaxiinta kale ee Xisbiyada kale .

Sidoo kale waxay ku booriyeen Taageerayaasha Xisbiga UCID in ay qaataan kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha si ay ula tartamaan dhigooda kale ee Xisbiyada .

Dhalinyaradan oo khudbado taarikhiya madashaasi ka jeediyay, ayaa ku dheeraaday tacabka uu Gudoomiye Faysal Cali waraabe Gashaday Dalkiisa, iyo sida aanu maalin iyo habeen-ba uga daalin ka shaqaynta Danaha Qaranka Somaliland, Iyagoo Xusay dadaalo badan oo uu dalka ka gaystay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe .

Ugu danbayn Dhalinyaradani waxay sheegeen in Murashaxa Faysal Cali Waraabe Yahay Hogaamiyaha maanta ku haboon in uu qabto Talada Dalka Somaliland .

Waxaa Gunaanadkii Xafladaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ahna Murashaxa Madaxweyne Ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, waxaanu u mahad-naqay Dhalinyaradii Sama-doon, Ururadii Gobolka Awdal Ee Xisbiga ku soo biirayay Todobaadadii ugu danbeeyay, Sidoo kale waxaa u mahad-naqay Dhalinyarada Fir-fircoon Ee Xisbiga UCID ee Degmooyinka Maxamed Mooge, Maxamed Haybe ee dadaal-ka Muujiyay .

Sidoo kale Gudoomiyuhu wuxuu taageerayaasha UCID ugu baaqay in ay qaataan Kaadhadh-ka Cod-bixiyayaasha .

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in ay Madaxweynaha Somaliland ku qasbi-doonaan in uu sameeyo dawlad dhex ah, haddii ay wasiiradu joojin-waayaan ololaha Muuse Biixi ay ugu jiraan ee ay kaga mashquuleen Hawlihi qaran ee loo igmaday .

Xafladdan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa ku soo dhamaatay Jawwi Degen oo farxadi ku dheehantahay .

Displaying IMG_9012.JPG

Displaying IMG_9018.JPG

Displaying IMG_9020.JPG

Displaying IMG_9022.JPG

Displaying IMG_9026.JPG

Displaying IMG_9027.JPG

Displaying IMG_9033.JPG

Displaying IMG_9034.JPG

Displaying IMG_9044.JPG

Displaying IMG_9050.JPG

Displaying IMG_9057.JPG

Displaying IMG_9059.JPG

Displaying IMG_9064.JPG

Displaying IMG_9066.JPG

Displaying IMG_9068.JPG

Displaying IMG_9076.JPG

Displaying IMG_9084.JPG

Displaying IMG_9089.JPG

Displaying IMG_9092.JPG

Displaying IMG_9099.JPG

Displaying IMG_9102.JPG

Displaying IMG_9104.JPG

Displaying IMG_9106.JPG

Displaying IMG_9110.JPG

Displaying IMG_9117.JPG

Displaying IMG_9139.JPG

Displaying IMG_9141.JPG

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here