Doorkii Siyaasada Iyo Guulihii Waxqabad Ee Wasiir Cali marexan Waa Qalinkii Abdirahman Jama H. mohamed ..

0
534

Wasiir cali Xasan Maxamed “Cali Marexan”
Waxaa Dhegaha Bulshada Reer Somaliland Ee Siyaasada Falanqeeyan Maqleen Aasaaski Xisbiga KULMIYE , Xiligaas oo uu Kamid ahaa Kaadiriyiinti farakutiriska ahaa ee aasaasay xisbiga midnimada iyo horumarinta somaliland ee KULMIYE,

Isla Sanadihii Sanadihii 2003 Wuxuu u Qaabilsanaa Xisbiga Kulmiye Gobolka Togdheer Oo La odhonkaro wuxuu Ahaa Gobolka Xisbiga kulmiye Dhalay ,
Cali marexan Wuxuu Ahaa Masuulki Ugu Sareeyay Ee gobolka togdheer Hagaayay Siyaasada iyo kaanbaynka xisbiga halkaas oo uu kumuntaystay Magac iyo maamuus uu Kuhelay Shaqadii hufnayd ee Xisbiga Uqabtay,

Sanadii 2005 cali Xasan Maxamed Wuxuu Isu Sharaxay Dooroshadii Golaha Wakiilada Ugu Horaysay ee “halqof iyo halcod Ahayd” isagoo iskasharaxay xisbiga Kulmiye oo Uu Wakhtigaa ka ahaa Gudomiyaha Gobolka togdheer, taasoo Gobolka togdheer lagu tartamayay 15 Kursi Oo 1 Kursi oo Kamid ah Kooto loogu xidhay Degmada Buuhoodle, Saddexda Xisbi Ee Wakhtigaasi Wuxuu Midkiiba Soosharaxay 15 musharax Isugeyn 45 musharax ayaa kasharaxnaa Saddexda Xisbi Qaran oo Larabay inay Soobaxaan 15 kursi,

Cali Marexan Wuxuu Noqday Qofkii Ugu Dhalinyaraa Ee iska Sharaxa Gobolka togdheer Weliba Xisbigii Ugu Cududa waynaa Ee Kulmiye Nasiib Wanaag Wuxuu Noqday Xildhibaanki Ugu Codka badnaa Xisbiga Kulmiye Ee Gobolka togdheer taasoo ay usahashay waxqabadki uu xisbiga usoo qabtay mudaduu uqaaabilsanaa gobolka iyo isagoo la odhonkaro waa shaqsi aad u firfircoon siiba dhinaca kaanbaynka Iyo Ololaha,

Waxtigii Intaa Kadanbaysay Wuxuu Guntiga Uxidhay Inuu Guulaysto Xisbigi Mucaaradka Ugu waynaa Ee Kulmiye Taasoo Lagu Xasuusto Isagoo ahaa Xildhibaanadii Ugu Cadcadaa Ee hogaaminayay Geedigii guusha Ee Kulmiye Isagoo Fagaarayaasha Gabayo Iyo hadalo Adag Ku Dhaliilijiray Xukuumadi Udub,

Sanadii 2010 Guushi Kulmiye Kadib Kamuuqaban Wax Xil ah Xukuumadi Siilanyo Isagoo ka Cudurdaartay kana Doorbidaayay Inuu Golaha Wakiilada kasii mid ahaado Sidaan Kasoo Xigtay Saaxiibkii Xildhiban Axmed Maxamed Diiriye “Nacnac”

Isagoo halkaa kasii waday halgankii Taageerida Xukuumada iyo Xisbiga Kana Mid ahaa Siyaasiyiinta Aan Guurguurin Ee Ku Adag Xisbinimada, Isagoo Dhexdhexaadiyay Khilaafyo Adag oo sookaladhexgalay Musharaxiin Iskuhaystay mustaqbalka xisbiga Madaxweyne Siilaanyo dabadii,

Sidoo kale wuxuu ku Caanbaxay Waxqabadka Deegaanadi lagasoodoortay iyo Dhamaan JSL isagoo Sidaa Lawada Socono ka Caawiyay Waxyaabaha Arimaha Bulshada,

Sanadii 2015 Ayaa Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Wasiirka Wasaarada hawlaha guud iyo Gaadiidka, Isla markaana hooskeenay Wakaalada horumarinta Wadooyinka ,
isagoo Madaxweynuhu u Arkaayay Shaqsiga Buuxinkara hawlahaas Culus Dardargelin karana mashruucyo Badan oo Wadanka Kasocaday uguna Waynayd Wadada Burco & ceeri-gaabo iyo Kuwo badan Oo Kale,

Waxyaabaha Intuu Shaqada Hayay Lagu Amaano waxaa Kamid ahaa Inuu Si xawli ah Boodhka Uga Jafay Wadada halbowlaha ah ee Ceeri&Burco oo isla Waxtigaa loomagacaabay Aan Wax muuqda Lagaqaban, Isagoo Ku guulaystay inay maanta Wadadii isku xidhantay oo Si Dhibyar loomarayo taaso Sanadka Aynu Kujirno kalabadhkiisa loosamayn doono xaflad tii uguwaynayd ee ka Dhacda Dalka oo Uu Madaxweyne Siilaanyo Lagu gardaadin doono Khatimaada taariikdisa iyo Waxqabadkiisa taaso uu Nasiib uyeeshay Cali marexan inuu lawadaago Kanamid noqday Dadka Ay xusidoonto taariikhdu,

Gebogebo:

Cali marexan Wuxuu Kamidyahay Siyaasiyiinta ugu saamaynta badan xukuumada iyo xisbiga kulmiye dadka siyaasada falanqeya Waxay ku Tilmaamaan Waa Siyaasi han fogleh jecelna inuu meelsare kagaadho Siyaasada Dalka, Sidoo kale waxay Saaxiib dhow yihiin Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi Isagoo ay wadaagaan halgankii kulmiye ku haaneeday talada dalka Sidoo kale guusha kulmiye Ee marlabaad inuu ku guulaysto talada dalka Waxay jaanis waafi ah siinaysaa inuu kamidhadhaliyo Himalada fog ee uu higsanayo Wasiir Cali marexan,

Dhamaad:
Waan ka cudurdaarayaa Inaanan kusookoobi karayn taariikhdisa iyo waxqabadkisa Dhamaystiran halkan wasiirka….

Diyaariye : Abdirahman Jama H. mohamed ..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here