Bal aan dhowrno uuraysataye waxay Umusho

0
450

Boqor Faysal cismaan faraxWaqti aan fogayn waxa si mug leh isu jeclaaday laba dhallin yaro ah. waxay ku heshiiyeen inay is guursadaan ka dibna waxay isla qaadaa dhigeen nooca xafladda meherku u dhacayso, habka aroosku u dhacayo nooca aqalka ay degeyaan qaabka dharka ay ku aqal gelayaan iyo wax kasta oo mustaqbalkoodu noqonayo waxayna qoraal ku sameeyeen dhammaan waxay ku heshiiyeen ka dibna labadooduba way saxiixeen.

Muddo yar ka dib ayay habeen habeenada ka mida waxay yimaadeen Hudheel hurdo iyagoo doonaya inay ku sheekaystaan. Ninka xafiiska Hudheelka fadhiyay ayay waydiiyeen qiimaha qolka markuu u sheegay waxa uu waydiiyay ma reer baad tihiin waxay ku fal celiyeen haa wuxuu waydiiyay warqaddii caddaynaysay guurkooda waxayna soo saareen tii ay saxiixeen markii ka heshiinayeen arrimaha dhismaha reerka, ka dib markuu akhriyay wuxuu ku yidhi tani waa tii nuxurka guurkiina waxa laydinka rabaa tii caddaynaysay inaad is qabtaan.

buuqbadan baa hudheelkii ka dhacay, dadka badankoodu waxay u arkeen in nuxurka guurku la mid yahay shahaada Nikaaxa, balse siddeed qof ayaa qayliyay war reerka xaaraan haysugu hoynina wali meher ma dhicine.

Nasiib darro waa la fudaydsaday waxaana loo arkay inay dhoohan yihiin ugu danbayntiina waa laga kireeyay qolkii, sidii ayaanay ku degeen Hudheelkii, bal aan dhowrno uuraysataye waxay Umusho iyo magaca loo bixin doono.

Mayla socotaa

Boqor Faysal Cismaan Faarax

Hargeysa /Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here