Cabdiraxmaan-ciro:Hogaamiye Baarlamaan+Hogaamiye Xisbi Mucaarid Oo Seeska Usii Dhigtey Mustaqbalka Siyaasadeed ee Hogaaminta Talada Dalka

0
530

Arimaha sida gaarka ah loogu xasuusan doono Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cigaal(ciro),kadib marka uu dhawaan wareejiyo Xilka Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo uu noqonayo Hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee Golaha Baarlamaanka Somaliland xadhiga usoo haya inta Taariikhdla la ogyahey,oo uu soo wadey mudada tobanka sano iyo dheeraadka ah taas,oo ay kusoo waajaheen duruufo adag oo siyaasadeed iyo caqabadaha isabdelo dhawr ah oo lasoo jaanqaadey Golihii u horeeyay ee shacbigu codkooda kusoo doortaan islamarkaana, bilowgii la kulmey arimo xasaasiya oo kasoo waajahey nidaamkii ay isku baheysteen Xisbiyadii Mucaaridka ahaa markii lasoo doortey ee Kulmiye iyo Ucid oo fikirada isabaheysigooda iyo xajinta axdigooda Siyaasadeed uu ku suntan yahey isagu qodobkaas oo marka gees laga eego
noqonaya kii uu ku faa,idey shaxdagyadii Siyaasadeed ee Xisbiga Kulmiye Madaxweyne Siilaanyo ku saarey Kursiga halka Golaha Wakiilada ee isbaheystey hirdan adag kala kulmey Xukuumadii Udub ee uu hogaaminayay Madexweyne Daahir Rayaale Kaahin,ee Kulmiye kala wareegay talada dalka mudo imika todoba sano oo shinkooda galey laga joogo.

Marka dib loogu noqdo qardoofaadyadii Siyaasadeed ee kasoo waajahey Gudoomiye Cabdiraxmaan-Ciro Xukuumadaa talada ku wareejisey Madaxweyne Siilaanyo,waxa ay dad badani aaminsan yihiin in mawduucyadii xasaasiga ahaa ee u dhexeeyay waagaasi Golaha Wakiilada iyo Xukuumadda uu intooda badan kaga soo gudbey Goluhu dhabar adeygii iyo diblamaasiyadii shir gudoon ahaan uu kalida ku ahaa,waxaana inta badan markhaati looga noqdey sidii uu daacada uga noqdey in aan lakala furin xuduntii Siyaasiga aheyd ee isbaheysiga mudanayaasha kasoo baxey labadii Xisbi Mucaarid Doorashadii 2005ta Kulmiye iyo Ucid oo aqlabiyad ku muquuniyey Xubnihii Xildhibaanadii Xukuumiga ahaa ee Udub oo ahaa 33 mudane inkastoo Xukuumadii Madaxweyne Rayaale dabar adag u dhigtey hadana cahdigaasi waxa ay kaga soo gudbeen mid kusoo dhamaadey qadarkii eebe.

 

 

 

Sikasta oo ay arimahaasi yihiin,waxaan la yareysan Karin jirabaadyadii Siyaasadeed ee uu Cabdiraxmaan-ciro kaga soo dabaashey dulqaadka,dublamaasiyada iyo dabeecad wanaaga iyo samirka badan ee uu muujiyay kadib markii ay  kasoo waajaheen  Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo,waxaanu si qunyar socod ah seeska ugu soo dhigay isagoo ah Shirgudoonka Golaha ama hogaamiyihii ugu mudada dheeraa ee xubnaha Xildhibaanada shacabku soo doortey Xisbiga kamid ah maanta Xisbiyada ugu fadalada cadcad ee ku loolamaya Doorashada soo socota Mustaqbalka ee Wadani oo ay kula soo loolameen Siyaasiyiin badan oo beesha uu kasoo jeedo ah oo ka garab furtey ururo Siyaasadeed oo taageerada beesha ka fara bixiyey kuwaas oo ay kamid ahaayeen Ummada,Gurmad iyo qaar kaloo badan haseyeeshee,guushiisu kaga lib heshay codadkii uu ka helay Bulshada kale ee Somaliland.

“Sikasta oo loo qeylyo iyo olole kasta oo mooshin loogu abuuro in lagu mijo xaabiyo Cabdiraxmaan-ciro,waa mid aan suurtagaleynin marka loo eego raga usoo cumaamadayana in ay Golaha hogaamiyaan walaahi Golahayagaa nimaan Ciro aheyni maalin kaliya muu hogaamin kareen mana hogaamin karayo dabadii”Sidaa waxa yidhi Allaha naxariistii jano haka waraabiyee Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane(Xamaal),oo kamid ahaa mudanayaasha laga soo doortey Goblka Awdal oo Warbaahinta u waramey maalmihii mooshinka adag lagu soo waajahey Cabdiaraxmaan-ciro.

Murashaxa jagada Madaxweyne ee Xisbiga Wadani ayaa dadka aqoonta u lihi ku tilmaamaan in uu yahey Siyaasi bilaa godob ah oo aan laheyn calool xumo siyaasadeed islamarkaana, waji furan u muujiya had iyo jeer mudanayaasha Mucaaridka ku ah iyo kuwa muxaafidka u ah labadaba taas oo wakhtiyo badan laga arko kulanada ay isku waajahaan shakhsiyaadka ay Siyaasada isaga soo horjeedaan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here