Dawladda Hindiya Oo Eedaymo Culus Hawada U Marisay Dalka Pakistan

0
518

Dawladda Hindiya ayaa sheegtay in ciidammada Pakistan ay dileen labo ka mid ah askarteeda intaas ka dibna ay suuradii ka badaleen ama dhalan gadiyeen.

mmmmm

Dhacdadan ayaa la sheegay in ay ka dhacday gobolka ay ku muransan yihiin labada ee Kashmir.

Ciidammada Hindiya ayaa sheegay in askarta Pakistan ay Isniintii weerareen qayb ka mid ah waaxda roondadooda oo ku sugnaa xadka.

Waxay intaas ku dareen in dhalanrogidda maydku aysan ahayn “ficil askar”.

Dawladda Pakistan ayaa diiday eedaymaha loo soo jeediyay, waxayna sheegtay in ciidammadoodu ay yihiin “askar ay xirfadoodu aad u sarayso” kuwaas oon “marnaba ixtiraam darro u gaysanaynin askar”.

Wasiirka difaaca ee Hindiya, Arun Jaitley ayaa sheegay in dhacdadaasi ay tahay mid “khaldan oon bani-damnimada waafaqsanayn” wuxuu intaas ku daray in ficilkaas oo kale uusan dhicin xataa marka dagaal lagu jiro.

War qoraal ah oo laga baahiyay telefeshinta Hindiya ayuu ku sheegay “in dhacdadan oo kale aan la maqlin xitaa wakhtiyada ay dagaaladu jiraan iyo xaqiiqatan marka nabad lagu jiro toona.

“Dalka oo dhan kalsooni ayuu ku qabaa in ciidammadu ay jawaab ku haboon ka bixin doonaan arrintan.” ayuu hadalka sii raaciyay.

Kashmir oo ay labada dalba sheegtaan ayay salka ku haysaa degenaansho la’aan taagan in kabadan 60 sano

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here