Maayir Ina Muraad Ka Burco Oo Xalay Shir Qarsoodiya La Galay Ganacsatada Bacadlayaasha Bariga Burco Oo Uu Dhulkii Booliska Ka Iibinayo Iyo Warla’aanta Xukuumadda Ee Xatooyadda Maayirka Burco

0
642

Wararka ka imanaya magaalada Burco Ayaa tibaaxaya in Maayerka Magaalada Burco Maxamed Yuusuf Cabdiraxmaan (Muraad ) uu shir qarsoodiya la galay Ganacsatada bacadlayaasha burco kuwaas uu si qarsoodiya uga iibinayo dhulkii booliska degmada burco.   Shirkan ay isku jilba dhigteen maayer muraad iyo ganacsatada bacadlayaasha bariga burco ayaa ah mid xogtiila la ilaaliyey si aan loo fashilin damac muraad ee xatooyada dhulka danta guud ee ummada maayer muraad ayaa ganacsatada ka hor shirka kula dar-daarmay inanay bixin xogta wadahadlka dhex mara si aaney ugadoodin ganacsatada bacadlayaasha galbeedka burco,  Ilo xogagala oo dhaq-dhaqaaqoda diiradda ku hayey ayaa shabakada wararka ee Qorilugudnews usheegay in maayerka oo kaa shanaya dilaalin ay isku hayb yihiin uu iibinayo dhulkii booliska burco. Ganacsatadan uu la shiray maayer muraad ayaa magacyadoodu kala yihiin. Jaamac oogle, jaqle, kalili, sacad iyo saalax bulayax kuwaas oo dhamaantood ah ganacsato ka soo jeeda bariga burco ayaa maayer muraad ka iibinayaa dhulkii booliska burco isagoo ka qarinaya dhamaan xildhibaanadii golaha deegaanka degmada burco oo ah mudanayaal la,la doortay isagoona badalka xildhibaanada ka dhigtay nin dilal u ah oo iskaga dabqaadaya ganacsatada iyo maayer muraadka burco kaas oo lagu magacaabo Dagamsade oo ay isku reer yihiin maayer muraad.  Dhulka qarsoodiga lagu iibinayo ayaa la siinayaa lacag dhan tobon malyan oo dollar .shirka oo ahaa mid aan cid kale taraxin ayaa diirada lagu saaray sida ugu haboon ee lacagta loo kala qaadanayo maayerka oo luuqad uu ku doonayey inuu dhulka ku fasaxo ku beerlaxawsadey ganacsatada ayaa usheegay in dhulku muhiimad ugu fadhiyo ganacsigooda isla markaana ay ka faa,idayaan istaraajiyada uu ulee yahay wuxuuna maayer muraad usheegay in ganacsadihiiba bixiyo lacag dhan 50,000 kun oo dollar meeshana ay la wareegaan wixii isaga ku xidhana uu deg-deg ugu dhameeyo sidoo kale maayerka ayaa ganacsatada usheegay in ay lacagta ugu dhiibaan dilal dagamsade oo ah ninka iskaga dabqaadayey ganacsatada iyo maayerka isla markaana ay lacagta deg-deg u bixiyaan talaabada qarsoodiga ayaa ah mid ka shiftay musuq-maasuga xadhkaha goostay ee maayer muraad ku xaraashayo dhulkii danta guud ee magaalada burco isla markaana uu qasnad qarsoodiya ku jaxaasanayo lacagaha uga soo xerooda boobka hantida danta guud ah isla markaana aan dib ugu celinayn magaaladii burco ee baylahdu isqabsatay.  Musuqa muraad ayaa ah mid waayey xisaabin iyo dabagal hayadihii ku shaqada lahaa iyadoo hanti dhawrkii guud ee qaranku indhaha ka xidhay in uu maruun xisaabiyo xoolaha shacabka ee maayerka burco ku tagri falayo waxaana hore u jiray dhulkii danta guud ee sheekh bashiir oo maayerku siiyey laba malyen oo dollar isla markaana qasnado uqarsoon ku shubtay ilaa hadana aan lahayn meeshii mariyey.  Sidoo kale waxaa jirta 500,000 kun oo dollar taas oo madaxweynaha Somaliland siiyey degmada burco si loogu dhiso wadooyin 10km oo wadada xaafada agtoobar waxaa qabyo ah 1 km oo lacagtiisii uu cunay maayer muraad ilaa hadana bur-bur la kawsatay iyadoo dhawaan madaxweyne siilaanyona xadhiga ka jaray.  Dhulkan uu qarsoodiga u iibinayo ayaa maayerku si aan gabasho lahayn ugu tagri falayaa digreetadii dhawaan lagu fasaxay qaybo ka mid ah dhulka danta guud ee dalka taas oo uxilsaaran tahay wasaarada hawlaha guud balse ay ilaa imika aaney ka warhayn damaca aduun doonka ah ee maayer muraad ku mijoxaabinayo qaar ka mid ah meelaha istaraajiga ah ee dhulka danta guud.  Sidoo kale wuxuu maayer muraad hore u iibiyey dhul kala duwan oo magaalada burco ku yaala cidina aaney xisaabin. Waxaana ka mid ah:-  1-Xero Xashiishkii ay yaaleen Haamaha Qashinka Lagu Qubo Ee Suuqa Xanaanada Faarax Oomaar Dhinaceeda oo uu ka Iibiyay Dad ganacsato ah Haamihii qashinka meesha laga qaaday 2- Xero Xashiishtii Haamaha Qashinku Yaaleen ee Baarsiigo ama garoonka Kubada Cagta Dhinaceeda oo uu Maayerku ka iibiyay dad ganacsato ah haamihii qashinkana meesha laga qaaday 3- Xer xashiishta. Suuqa Weyn ee Badhtamaha Burco. ee ay yaaliin haamaha Qashinka lagu rido. ee caanka ku ahayd Wadhac wadhacdii oo laga iibiyay dad ganacsato ah haamihii qashinkana meesha laga qaaday 4- Wadada Dhinaca Bari ka marta Hotel New Burco oo laga iibiyay dad ganacsato ah dhulkaas oo isu gayn oo noqanayo. 60 Baloodh qeybo ka mid ahna la Seesay. sida wajahadii laamida eegaysay oo kale. 5- Wadada Dhinaca waqooyiga kaga soo jeeda Hoteel Blaza oo laga iibiyay dad shicib ah guryona laga dhistay dhul ahaana noqonaysa 65 Baloodh. 6- Xera dhiigtii hore ee magaalada Burco. oo. dhawaan laga raraayo Qalista xoolaha. oo loo rarayo Xera dhiigta Cusub. isla markaana Xero dhiigta hore loogu tala galay in laga dhiso xanaano iyo dugsi sare oo iyana. dad shacaba Qeyb ka mid ah la siiyay qeybta kalana Maayerku ka iibiyay dad shacaba 7- Wajahadii ka Horeeysay Hoteelka Indho-deero illaa laamida oo maayarku ka iibiyay Ilma indha deero. kana siiyay lacag aad u badan Dhismihiina ku socdo. 8-Garoonkii Kubada Cagta ee Burco Darbigiisa dambe ee dhinaca Jaranjarada ka sii jeeda. oo dhawaan dadkii yaalay laga raray oo uu maayar muraad ka iibiyay dad ganacsato ah Sekadaa dhan ee darbigaasi – Wajahada Soo eegaysa. Saldhiga Dhexe ee Burco Oo sandaqado ahaan jirtay.” Kuwaas oo dhamaantoodba uu lacagtii uu ku iibiyey jaxaastay isla markaana aaney ku dhicin qasnada dawladda.  Waxaana shirkan qarsoodiga ah ee maayerku ku iibinayo dhulka booliska magaalada burco isla markaana uu la galay ganacsatada bacadlayaasha bariga burco iyo dilalkiisa khaaska ah ee Dagamsade oo ay isku ardaa yihiin ayaa ku soo beegmaysa xili uu maanta Madaxweyne siilaanyo uu hanti dhawrka qaranka ugu yeedhay inanay maciisa ahayn dadka musuq-maasuqa sameeya sidoo kalena ay diiradda ku hayaan xiliga kala guurka oo ay dhacdo xatooyada xoolaha ummadda oo la xalaashado waxaana la sugayaa in hanti dhawrku casharkii ugu horeyeey ku bixiyo maayer muraadka musuqu is qabsaday ee xisaabta waayey

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here