Qaybinta Kaadhka Codbixiyeyaasha Doorashada Oo Maalintii Labaad Ka Socota Gobolada Awdal, Saaxil Iyo Sanaag.

0
745

 codbixintaLabada gobol ee Saaxil iyo Awdal ee jamhuuriyadda Somaliland, ayaa waxaa saaka ka bilaabmay qaadashada kaadhka codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee 13-ka November 2017.

Waxaa kaloo kaadh-qaadashadu ay ka bilaabantay 13 goobood oo ah deegaanada xeebaha ee gobolka Sanaag, oo loo raaciyay labadan gobol xagga cimilada oo xilligan wixii ka danbeeya kuleylkii xagaagu ka bilaabmaayo awgeed.Sida uu gudiga doorashadu caddeeyay, dadweynaha gobolka Awdal ee is diiwaangeliyay waxay ka badan yihiin 147,000 oo qof , waxaa ka furan gobolkaasi 162 goobood oo 72 ka mid ahi ku yaallaan degmada Borama.

Sidoo kale gobolka Saaxil waxaa iska diiwaangeliyay dad ku dhow 79,000 qof, iyagoo 94 goobood tegaya oo 67 ka mid ahi ay ku yaallaan Berbera.

Meelaha qaar ma badneyn dadka u yimid qaadashada kaarkaasi, waxaana jira dad badan oo ka hayaamay deegaannadoodii abaarta awgeed.

Sida uu warbaahinta u sheegay guddoomiyaha gudiga doorashada, Cabduqaadir Iimaan, qaadashada kaarka ayaa todoba cisho ka socon doonta magaalo madaxyada gobolladaasi, goobaha kalena shan maalmood, kadibna degmooyinka ayaa 14 maalmood ay ka sii soconaysaa qaadashada kaadhku.

Madax-dhaqameed iyo masuuliyiin ka tirsan kuwa gobollada qaadashada kaadhku ka bilaabantay oo la soo xidhiidhay Warbaahinta, ayaa cabasho ka muujiyay in mudadaasi yartahay oo dad badani ku maqanyihiin dhul fog abaarta awgeed, haseyeeshee afhayeenka guddiga doorashooyinka, Saciid Cali Musa, ayaa ii sheegay in qof waliba uu degmadiisa kaadhka ka qaadan karo marka ay dhamaato mudada hore.

Gobollada kale ee Somaliland ayaa laga bilaabi doonaa qaadashada kaarka codbixinta doorashada Ramadaanka ka dib. Guud ahaan Somaliland waxaa iska diiwaangeliyay codbixiyaal ka badan 873,000 qof oo qaan-gaadh ah, kuwaasoo la filayo inay madaxweyne cusub soo doortaan 13-ka November 2017, kadib markii laba jeer oo hore dib u dhac ku yimid doorashadan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here