Maamul Xumo Hadhaysay Xafiiska Gobolka MaroodI Jeex iyO Badhsaabka G. marodi jeex ( Buraale ) oo ku Fashilmay inuu Xal waara U helo Khilaafyo Dhawr ah Oo Hadheeyay Guud ahaan Gobolka maroodi jeex

0
477
Gobolka maroodi jeex oo ay ku taalo magaalo madaxda Jamhuuriyada soomaliland Ayaan wax nasiib ah u helin inuu helo badhsaab aqoon maamul leh mudadii ay jirtay xukuumada uu madaxwayne siilaanyo gadhwadeenka ka yahay. Mudadii uu badhasaab Buraale xilka maamul ee gobolka maroodi jeex hayay waxaa gobolka soo waajahay khilaafyo badan oo ka dhex aloosmay
maamaladii degmooyinka uu gobolku ka koobnaa kaasi oo sababay in xitaa ay gaadho isku day di loo gaystay Mid ka mid ah Gudoomiyayaasha
Degmooyinka caasimada . Badhasaabku waxaa colaad sokeeye ka dhex abuuray Bulshada wada degan Deegaanka abaarso oo uu ilaa hada khilaaf maamul uu ka taagan yahay isaga oo ugu talo galay in la isku dilo oo dhiig meeshaasi ka Daato Badhasaabku waxaa uu sidoo kale si sharci daro ah u jabiyay go’aano ay sadexda derajo ee maxkamadaha qaranku ka gaadheen khilaaf dacwadeed oo u dhexeeyay dad iskaashato maamul oo degan deegaanka barakacayaasha oo ay isku haysteen maamulka deegaanka halkaasina ay maxkamadu go’aan ka gaadhay dacwadaas . Nasiib daro waxaa ay aqoon la’aan sharci u gaysay badhasaanka gobolka maroodi jeex oo qoray warqada is hortaag ah oo uu ku hor istaagayo fulimihi kala duwanaa ee ay sadexda derajo ee makamadaha dalku ka gaadheen . halkaasi waxaa ka abuurmay jabin iyo ka hor imaad sharciyadii qaranka waxaana ilaa maanta xaaladeeda colaadeed ay taagan tahay khilaafkii uu kala dhex dhigay dadkaa masaakiinta ah ee barakacayaasha isaga oo ixtiraami waayay Hanaanka Garsoorka iyo Fulintiisa . Is Hor istaag dacawadeed kaliya waxaa samayn karan mid ka mid ah labada dhinac ee ay dacwadu ka dhexayso hadii dhinac ka mid ah loo sameeyo fulin , Badhsaab Buraale isaga oo Garab siinay saxiibkii BASHIIR CABDI
XARIIR iin oo ay ka wada Tirsan Xusbiga WADANI oo uu dabada ka riixaya dhinaca hore looga xukumay maamulka deegaanka barakcayaasha wuxuu u sameeyay Fulin sharci daro ah oo heer gobol ah taasi oo ilaa maanta haydaha sharci dajintu ay la yaaban yihiin maamul xumada noocan ah ee Gobolka ku habsatay. Badhasaab Buraale wuxuu sidoo kale xaalad khilaaf ka dhex abuuray iskaashatada Basaslayaasha Caasimada hargaysa oo ahaa urur ay ku midaysan yihiin dhamaan basaslayaasha caasimadu . Khilaafkaas oo uu sal uga dhigay Nidaam qabyaaladaysan oo uu kala dhex dhigay isaga oo u kala saaray Sadex iskaashato oo ku dhisan hab Beelaysan , taasina ay keentay in uu si sharci daro ah warqad ugu qoro xafiiska maamulka basaslayaasha caasimada hargaysa
Ujeeda ugu way ee ugu jirta ayaa salka ku haysa inuu doonayo is uu iskaashato u sameeyo labda degmo ee Maxamuud haybe iyo Ahmed dhex oo uu gudoomiye uga dhigo NIN AY SEEDI yihiiin Oo qaba inan ay Badhasaabka walaal yihiin . taasina waxay ka turjumaysaa in uu Buraale ku jiro xaalad abuur uu doonayo in uu meel walba ka dhex abuuro buuq iyo boob labada . Runtii waa xasarad kusoo kodhay caasimadii hargaysa , iyo guud ahaangobolkii maroodi jeex .Waxaan ugu baaqayaa xukuumada jamhuuriyada Somaliland in il gaar ahl agu eego xaalad abuuryada kala duwan ee uu badhsaabka g.maroodi jeex ka dhex wado guud ahaan gobolka iyo degmooyinkiisa . Wuxuu suuqa madaw ku iibsaday Raashinkii abaaraha ee loogu talo galay deegaanka abaarso isaga oo si uu jaanis ugu helo ka dhex abuuray khilaaf beelaha wada degan dhexdoodaa ee deegaanka abaarso.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here