Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shirkadaha isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, u qabtay wakhti kama dambays ah oo lagu amray inay ku fuliyaan qodobbadii ka khuseeyay go’aamadii horaantii Bishii January ee sannadkan uu madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) soo saaray ee looga gol lahaa in lagu xakameeyo sicir-bararka iyo sarrif bararka is barkaday oo cidhiidhiga geliyay bulshada danyarta ah ee reer Somaliland.
Go’aamadii dawladda, waxa ku jiray qoddob ku saabsanaa inay shirkadaha Isgaadhsiinta ee TELESOM iyo SOMTEL, ay seerfarkooda adeegga Zaadka iyo E-dahab ay ka saaraan wixii ka yar $100 (Boqol Doolar), taasi oo loo arkay inay kaalin weyn ka qaateen sarrif bararka iyo qiime dhaca ku yimid lacagta shilinka Somaliland.
Inkasta oo shirkadaha isgaadhsiintu ay muddo ka cago jiidayeen inay fuliyaan go’aamadan shacbiga loogu nasteexaynayo, waxa loo saaray guddi khubarro ah oo aqoon xirfadeed u leh adeegyadan.
Guddoomiyaha Baanka dhexe ee Somaliland, Maxamed Cabdi Dhoobaale, ayaa Sabtidii sheegay in 1-da Bisha July ee fooda innagu soo haysa loo qabtay shirkadahan inay nidaamkooda ka tirtiraan oo aanay xawilin lacagta ka yar $100, waxaanu sidaas daboolka ka qaaday xilli uu ka soo baxay shir uu Guddi hoosaadka ilaalinta hantida qaranka ee Aqalka Wakiillada la yeeshay.
Dadweynaha reer Somaliland, ayaa indhaha ku haya in shirkadaha isgaadhsiintu ay si dhab ah u fulin doonaan go’aankii xukuumadda iyo in kale. iyadoo macaamiisha isticmaala adeegyada Zaad-ka iyo E-dahab ay qaarna bilaabeen inay lacagta adag ee doolarka ah kala baxaan adeegyadan la xadiday, qaarna qorshaynayaan inay muddada loo qabtay ka hor ka qaataan hantidooda.
Geesta kalena, waxa dadka sida dhow ula socday go’aankan iyo xeeladihii shirkadaha isgaadhsiintu la yimaadeen ay is weydiinayeen nooca ay noqon doonto tallaabada xukuumaddu ka qaadi doonto haddii ay mar labaad dhabarka u jeediyaan go’aankii qaran ee shacbiga loogaga dul-qaadayay sicir-bararka iyo sarrif bararka isbarkan.