Wasiirka Hawlaha Guud Cali Xasan Maxamed Oo Magaalada Boorama Ka Dhagax Dhigay Rugta Kutubta .

0
520

Hargaysa(QYN) Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa maanta Magaaladda Boorama ka dhagax dhigay xarunta Akhris oo yeelan doonto.

Wafti Balaadhan oo Wasiirku uu hogaaminayey kana mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Mukhtaar Maxamed Cali, Gudoomiyaha Hayadda Shaqaalaha Dawladda Sharmaarke Gelle, Ex- Wasiir C/laahi Geeljeeri iyo Maamulka heer Gobol iyo heer Degmo ayaa ka qeyb galay dhagax dhiga Rugta Kutubta Boorama ama ‘’Boorama Public Library’’.

Ugu horeyn waxa madasha ka hadlay Gudoomiyaha Akademiyadda ADKAW, oo ah xarunta maamuli doonta rugta kutubta, waxaanu si weyn ugu mahadnaqey Wasiirka Hawlaha Guud oo uu sheegay inaanay la’aantii suurta gasheen,



wuxuu dhinaca kale sheegay in maanta iyagu si weyn ugu faraxsanyihiin haddi wixii ay ku haminayeen mudooyinka baddan maanta hirgaleen.

Maayirka Degmadda Boorama ayaa sheegay in Dawladda Hoose garab taagantahay dhalinyarta Boorama, wuxuuna dhinaca sheegay in dhinaca kale ka Dawladda Hoose ahaan kaalin weyn ka qaateen sidii dhulkan looga sameyn lahaa xarun akhris taariikhddana ugalayso golihii deegaanka ee ugu horeeyey eek u guuleysta in Boorama yeelato xarun akhris.

Gudoomiyaha Jaamacadda Camuud Pro. Saleebaan ayaa isna dhinaciisa si weyn usoo dhaweeyey in maanta markii ugu horeysay Boorama yeelanayso goob wax lagu akhristo, wuxuu taas mahadeeda uceliyey Wasiirka Hawlaha Guud oo uu sheegay inaanay la’aantii suurta gasheen, wuxuuna in ka jaamacadd ahaan ka qeyb qaadanayaan dhismihiisana.

Suldaan Jaamac Samatar oo kamid madaxdhaqameedka Gobolka Boorama ayaa dhinaciisa si wayn usoo dhaweeyey dhagaxdhiga maanta Wasiir Cali Xasan Maxamed halkan ka dhagax dhigayo goob tacliineed oo dayarta magaaladu intifaac iyo hal-abuur cusub kusoo kordhin doonto, markale wuxuu si weyn ugu mahadceliyey Wasiir Cali Xasan Maxamed.

Badhasaabka Gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine Ayaa isna dhinaciisa sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay in intuu joogay maanta Boorama yeelanayso goob akhris, wuxuuna dadweynaha Gobolka Awdal ugu baaqey inay ka qeyb qaataan dhismaha goobta, wuxuu tilmaamay in miisaaniyadda sannadkan lagu daray kharashkii lagu dhisilahaa badh ahaan, dhulkiina maanta Wasiirka Hawlaha Guud dhagax dhigayo, inta soo hadhay reer boorama inay ka qeyb qaatan ayuu ugu baaqey dadweynaha Boorama.

Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed ayaa ugu danbeyn madasha soo gunaanayday wuxuuna cabirey dareenkiisa, dhinaca kale wuxuu baaq ujeediyey dadweynaha reer Boorama meel ay joogaanba, wuxuuna yidhi:

‘’ ‘’Farxad weyn ayey iitahay maanta inaan halkan ka dhagax dhigo Rugta Kutubta ee Boorama ‘’Boorama Public Library’’, Magaaladdani waa goobtii aqoonta inay yeelatana Goob Akhris waa waajib, amarka in goobtan la dhisana waxa bixiyey Madaxweyne Axmed Siilaanyo’’

‘’Reer Boorama waxaan leeyahay dhulkii waad aragtaan oo wanaagaa bixinay oo maanta dhagax dhigeyna, kharashkii badh ayaa miisaaniyadda 2017 lagu darey, intiinii ayaa dhiman inaad ka qeyb qaadataan ood dhisataan oo muhiim’’.

‘’Goobtani waa madal tacliineed, waxay noqon doontaa goob dadka kawada dhaxaysa, madal aqoon iyo Hal-abuur cusubi ka yimaado, goob laga jiheyn karo bulshadda ree Boorama iyo Somalilandba, Waxaana maamulkeeda yeelan doonta Akademiyadda ADKAW’’.

Ugu danbeyn Wasiirka Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeynta Somaliland Mudane Cali Xasan Maxamed wuxuu halkaas ka dhagaxdhigay Rugta Kutubta Akhriska ee Boorama ‘’Boorama Public Liabarery’’.

Dhinaca kale waftigii uu hogaaminayey Wasiirku oo ay weheliyaan badhasaabka Gobolka iyo Maayirka Degmadu waxay kormeer ku tageen Garoonka Kubadda Cagta ee Xaaji Daahir iyo Garoonka Diyaaradaha ee Boorama.

C/raxmaan C/laahi Wirdaani
Af-hayeenka Wasaaradda Hawlaha Guud JSL

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here