Ninkastoo Kursiga Ku Guul Daraystaa Yaanu Munaafaq Noqon Sidii C/laahi Umaya Ibnu Salool:Cheif Caaqil Axmed Ciise Cumar

0
560

Cabdi laahi umaya ibnu salool wuxuu ahaa munaafaqii ugu waynaa munaafaqiintii reer madiina. Waxaanu sheegan jiray inuu islaam yahay nabigana SCW. Rumeeyay hadana wuxuu ku caan baxay inuu nabiga iyo asaxaabtiisa meelahaa ka caayo

Isla markaana wuxuu isku dayi jiray inuu. Isku diro. Asaxaabta rasuulka. Isagoo qabyaalad ku soo gabanaya.
Laakiin rasuulku SCW wuu ogaa inuu munaafaq yahay dhowr jeer oo asaxaabta qaarkood isku dayeen inay dilaana nabigaa yidhi ha dilina yaan lagu sheekaysan nabi maxamed asxaabtiisa ayuu dilaaye
Hadaba sida. Culimada siiradu ay sheegaan munaafaqaasi cabdilaahi ibnu salool
Waxaa munaafaqnimadiisa loo aaneeyaa dhawr sababood
Sababta koowaad waxaa la sheegaa inuu isu diyaarinayay. inuu godoomiye ka noqdo magaalada madiina oo ay beelihii wada dagi jiray ku heshiiyeen. In ay u caleemo saaraan madaxnimada magaalada
Waxaa hadaba caleema saarkiikiisii kasoo hor maray in dadkii reer madiina ay qaateen diintii islaamka isla markaana ay magaaladii madiina ku soo dhaweeyeen nabi maxamed iyo asaxaabtii muhaajiriinta ahay ee reer makka
Waxaana si toosa magaaladii madiina uu maamulkeedii ugu wareegay rasuulka CSW
Hadaba munaafaqii waynaa tolo ayaa ku cadaatay illaahayna toobada muu waafajin
Waxaanu u arkay in madaxnimadii uu sugayay ay meesha ka baxday. Waxaanu halkaa ka bilaabay munaafaqad iyo xaasidnimo uu u qabo nabiga iyo asaxaabta la socotaba
Waxaan hadaba qisaskaa uga socdaa madaxnimo jacaylka badani wuxuu sabaa inaad karkaarka waydaarato oo aad ka soo hor jeesato qadarka illaahay
Waxaana waqtigan aynu joogno soo badanay siyaasiyiin badan oo haday ku guulaysan waayaan kurisiga. Cuqdad iyo calool xumo badani galayso
Isla markaana bilaabaya xaasidnimo iyo inay beelaha isku diraan. Sidii munaafaqaa aynu ka sheekaynaynay
Hadaba dardaarankaan ku soo gabagabaynayaa wuxuu yahay in la aamino qadarka illaahay isla markaana ay
Ogaadaana in magacaabista iyo casilaaduba tahay qadar illaahay
Cheif caaqil axmed ciise cumr

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here