Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Ee Colorado USA Oo Hambalyo Udiray Hogaamiyaha Xisbigaasi Si Adagna Uga Hadlay Xadhiga Masuuliyiin Ka Tirsan Xisbiga Oo Hargeysa Lagu Xidhay.

0
465

Gudoomiyaha gobolka Colorado USA Ee Xisbiga Mucaaradka wadani pro:Mohamed Ayaa Dhammaab Hambalyo ah U Diray Masuuliyiinta Sar Sare Ee Xisbiga Wadani Isaga Oo Ku Ammaanay Isla Markaasina Ku Bogaadiyey Guulaha Isdaba Jooga ah Ee Ay Ka Soo Hooyeen Safarkoodii Dheeraa Ay Ku Marayeen Qaarada Yurub Waxaana Uu Prof Maxamed Waji Ku Tilmaamay Safarkaasi Mid Taariikhi ah oo ay ku taami doonaan taageerayaasha xisbiga mucaaradka ah ee wadani isaga oo si gaar ah u timaamay raadadka xasuusta leh ee ay safarkaasi guusha kaga gaadheen masuliyiinta uu hogaamiyey musharaxa madaxweyne Ee xisbigaasi mudane cabdiraxmaan cirro iyo xirsi cali xaaji xasan oo uu ku tilmaamay shaqsiga sida weyn u muujiyey xilal iyo masuuliyada uu ku taxay dhalinyarada iyo masuuliyiinta xisbiga ee waxbadan ka tari doona guula xisbiga kasbashada codka bulshada reer Somaliland.

Gudomiye maxamed waji waxa uu xirsi ku ammanay isku shaandhaynta Uu ku sameeyey masuuliyiinta xisbiga wadani ee Dalka UK.

Geesta Kale waxa uu prof waji ka hadlay masuuliyiin xisbiga ka tirsan oo mudo ku xidhan magaalada hargeysa ee caasimada dalka Somaliland waxaana uu dhaliilay xadhigaas iyo sifaha loo maray oo uu ku timaamay mid sharciga baalmarsan waxaana uu xadhigaasi sheegay inay masuuliyiintaasi xabsiga kasii daayaan xukuumada iyo xisbiga kulmiye oo uu sheegay inuu lug ku leeyahay.

Hadaladan Ka Soo Yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga Muacaradka ah Ee Wadani Ee Colorado USA Ayaa Ku Soo Beegmaya Xili ay Madaxdii Xisbiga Wadani Ee Mudooyinkii U Danbeyey Dalka Dibadiisa Ku Maqnaa Ay Ku Soo Fool Leeyihiin Wadanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here