Qaramada Midoobay Oo Cadaysay In Qaxoontiga Ugu Badan Adduunku Ka Soo Jeedaan Waddamada Carbeed Iyo Ku Muslimiinta

0
412

Qaramada midoobay ayaa cadaysay in qaxoontiga ugu badan ee Adduunku ka soo jeedaan waddamada Carabta iyo kuwa Muslimiinta, haatana u badan Dalalka Suuriya iyo Soomaaliya, Guddoomiyaha Ururka bisha Cas ee Dalka Jordan oo magaciisa la yidhaahdo Maxamed Mudlaq oo ka hadlayay shirkii 42aad ee Bilaha Cas ee Dalalka Carabta ayaa waxa uu yidhi “Qaramada midoobay waxa ku waajib ah inay ka soo baxdo ballamaheedii ahaa in la badbaadiyo Nolosha dadka barakacayaasha ah, waayo ?, waxa jira ugu yaraan 14  meelood oo ka mid ah waddamada Carabta oo dhibaatooyin Dagaal ka socdaan, dhammaan dadkaasi lama gaadhsiin karo Raashin iyo daawooyin, Laakiin waxa habboon in Xal diblomaasiyadeed oo lagu joojiyo Dagaaladaasi in la keeno”.

Muddooyinkan danbe ayaa waxa kor u kacay tirada Dadka qaxoontiga ah ee ka soo bara kacay Dalkaasi Suuriya kana soo baxsaday Dagaalada ka socda muddada lixda sanadood ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here