‘’Hooyo Kasta oo Uur Lihi Hadii ay Caadaysato Isticimaalka Telefoonka Ilmaha ay Dhali Doontaa Wuxuu Noqonayaa….’’ Digniin Caafimaad

0
562

Isticmaalka badan Ee teleefanka Gacanta xilliga hooyadu Uurka leedahay ayaa la sheegay inuu dhibaato gaadhsiin karo ilmaha Uurka ku jira.

Deraasad cusub oo dhawaan la soo saaray ayaa lagu cadeeyay in hooyooyinka aadka u Isticmaala Teleefanka gacanta marka ay Uurka leeyihiin ay had iyo jeer ubadka ay dhalaan noqdaan kuwa uu dhaqdhaqaaqu ku adag yahay, sidoo kalena hooyooyinka yaraysta Isticmaalka Teleefanka xilliga Uurka leeyihiin ayaa la cadeeyay inay dhalaan Ubad Caafimaad qaba.

Laura Birks oo ka mid aheyd kooxdii soo saartay Deraasadan ayaa waxay tidhi “Arrintan macnaheedu ma aha inay hooyooyinku iska wada daayaan Isticmaalka Teleefanada, balse waxa la leeyahay waa inay iska yareeyaan”, waxaanay arrintaasi ku sheegtay wareysi ay siisay Reuters.

Sidoo kale Deraasaddan intii la waday ayaa waxa lagu sameeyey ku dhawaad 80 kun oo ka mid ah hooyooyinka uurka leh ee ku nool waddamada Denmark, Spain, Holland iyo Kuuriya waxaana laga dheegtay deraasadaasi in hooyooyinka yaraysta isticmaalka teleefanka xilliga uurka leeyihiin ay ka ubad wanaagsan yihiin kuwa badsada isticmaalkiisa markay uurka leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here