Haamihii Shiidaalka Berbera Oo Hanaab Noqdey, Kuwo Fadhiistay Iyo Ganacsatadiii Gacanta Ku Haysay Oo Tahlikariweydey Inay Dayactirto

0
561

Qiimaha Shiidaalka Oo Kordhay Iyo Shiidaal La,aan Soo Foodsaartay Haamihii Berbera

“Maanta Waa Nasiib Daro in Haamihii Shiidaal Laga Waayo Shiidaalkana  Laynooga Soo Waarido Magaalada Boosaaso iyo Dalka jabuuti Waxay Ahayd In iyagu” Maxamed Mursal

Qiimaha lagu iibiyo shidaalka Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa ayaa kor u kac ku yimid dhawrkii cisho ee ugu danbeeyey ka dib markii kaydkii haamaha shiidaalka  berbera hanaab noqdeen .

Kor ukacan ku yimi korodhka shiidaal iibinta ayaa lagu sababeeyey madhnaanshaha haamaha shiidaalka berbera kuwaas oo noqdey qaar madhnaanshiiyo la taagan isla markaaana shiidaalka hargeysa soo gaadhaa yahay mid ka yimaada magaalada  boosaaso  iyo dalka  jabuuti kuwaas oo dhaliyey qiimo korodh ku yimaada shiidaalkii hargeysa laga heli jiray ee ka iman jiray magaalo xeebeeda berbera.

Sidoo kale wararka naga soo gaadhaya magaalada berbera ayaa sheegaya in qaar ka mid ah haamihii shiidaalka berbera la fadhiisteen dayactir la,aan oo ilaa muddo badan hadda ay fadhiyaan ka dib karkii ay qaar ka mid ahi dalooshameen.

Ganacsatadii la wareegtay haamaha shiidaalka berbera ayaa noqdey kuwo tahli kariwaayey inay shiidaalka ku ilaaliyaan haamaha maadaama kaydka shiidaalka berbera yahay mid dalka oo dhan gaadha oo bulshadu si xawliya u isticmaasho waxaaney taabadelkeeda ku  dhigeen  in haamaha shiidaalku hanaab noqdaan iyo in  ay qaarkood fadhiistaan oo gaadiid layda dalka soo foodsaarto shiidaal li,

Qaarka mid ah bulsha weynta Somaliland ayaa aragtiyo kala duwan ka bixiyey kor ukaca shiidaalka iyo fadhiidnimada ganacsatadii shiidaalka lagu wareejiyey waakan maxamed mursal oo ka hadlaya aragtidiisa ku aadan shiidaalka la waayey.” Maanta waa nasiib daro in haamihii shiidaalka laga waayo shiidaal oo laynooga soo waarido magaalada boosaaso iyo dalka jabuuti waxay ahayd in iyagu inoo soo doontaan qoladii ganacsatada ahayd ee loo dhiibay inay shiidaalka inay ilaaliyaan   iska daaye shiidaalkii baa laga waayey haamihii dalka”  dhanka kale waxaa isna aragtidiisa ka hadlay iyo sidii u arko shiidaalka go,ay nuux obsiiye wuxuuna sheegay in ay foolxumo tahay dhawaaqa ka imanaya kaydkii shiidaalka wuxuuna yidhi. “ in kaydkii shiidaalku fadhiisto oo qaar dalooshamaan qoladii ganacsatada ahayd ee gacanta ku haysayna eegi weydo waa foolxumo  waxayba hagaagsanaayeen markii ay xukuumadu gacanta ugu jireen bay ka bilic wanaagsanaayeen ganacsatadiina waxay noqdeen qaar shaqaysanaya oo dantooda eeganaya oo aan danta bulshadoodaba eegayn markaa waxaan xukuumada usoo jeedinayaa inay ganacsatad ka wareejiyaan haamaha shiidaalka ee berbera oo ay gacantii xukuumada ku soo celiyaan”

 Dhawaaqyadan bulshada ee isdiidan ayaa muujinaya fashilka ganacsatadii gacanta loo galiyey haamaha shiidaalka berbera kuwaas oo la daalaa dhacaya dhaawacyo ay u fadhiisteen iyo shiidaal la,aan soo foodsaartay.

 shiidaal

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here