Golaha Wasiiradda Puntland Oo Ka Shiray Urur Diimeedka Asaaciduun Bil Xaq + Amarro Adag Oo Ay Ka Soo Saareen

0
476

wputShirkii Golaha xukuumadda dowladda Puntland oo uu shir-guddoominayay Madaxweyne K/xigeenka dowladda Puntand eng Cabdixakiim cabdullahi Xaaji Cumar ayaa looga hadlay arrimaha kala ah khatarta koox Diimeedka Al-saaciduun al-xaq, Amniga dalka, xaalada abaaraha, xeerka tacliinta sare, Kor uqaadida dakhliga dalka, xanuuno ka dilaacay gobolada Cayn, Sool iyo Nugaal iyo warbixino kale

War-murtiyeed ka soo baxay shirka khamiislaha ayaa lagu sheegay in Dowladda Puntland ayaa amniga guud ee Puntland ku samayn-doonta di bu qiimeyn dhinac walba ah, gaar ahaan qaabka howl-galada magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

Gollaha Xukuumadu waxay falanqayn dheer ka dib soo saareen amar cusub oo wax looga qabanayo Koox Diimeedka la magac baxay Al-Saaciduun Bil Xaq, oo golluhu uu ku tilmaamay  koox Baadiyeysan  oo Takfiir ah

Golluhu waxay sheegeen in kooxdani ay  khatar kutahay diinta Islaamka, Caqiidada, Amniga dadka iyo Dalka, waxayna amar ku bixiyeen in la soo tiro-koobo oo la diiwaangaliyo xarumaha ay ka shaqeeyaan ama ay gacanta ku hayaan

“goluhu wuxuu faray laamaha amniga in si buuxda loo diiwaan geliyo goobaha ay uga sugan yihiin Puntland, ka dibna gacanta lagu dhigo meelaha xarumaha u ah ururkaas, Lagana cayriyo shaqada xubin kasta oo lagu ogaado inuu ka tirsan yahay Koox-diimeedkaas” ayaa lagu yiri War-murtiyeedka gollaha Xukuumadda Puntland.

Gabagabadii, Kooxdan Al-saaciduun Bil-xaq oo dhammaan goboladda dalka laga dhawaaqay bishan, ayaa isla toddobaadkan waxaa amar lagu xaarantinimaynayo jiritaankooda waxaa soo saaray dowladda federaalka, waxaa kaloo lagu qabtay magaalooyinka waaweyn ee Puntland Nadwo lagaga hadlayo khatarta caqiidada ay xambaarsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here