Madaxdhaqameedka iyo Waxgaradka Beelaha Muuse Dheriye Oo Madaxweynaha Iyo Taliska Booliska Ka Difaacay Eedo Xisbiga Waddani Ka Soo Yeedhay

0
464

Hargeysa(Qoryaalenews)Madaxda dhaqanka iyo siyaasiyiinta beelaha Gabooye ayaa Madaxweynaha, Marwadiisa iyo taliyaha booliska ka difaacay eedaymo ka soo yeedhay xisbiga Waddani siiba xoghayaha Caddaaladda Barkhad Jaamac Batuun oo ka soo jeeda beelaha Gabooye, kaasi oo eedeeyay Madaxda islamarkaana sheegay in taliyaha boolisku si gaar ah u colaadiyo xisbiga Waddani kalsoonidana ay kala laabteen.

Suldaan Naasir Suldaan Cabdi Ismaaciil oo ka mid ah hoggaanka dhaqanka beelahaasi ayaa Madaxweynaha iyo qoskiisa caddeeyay in ay sharaf u hayaan “Mudane Madaxweyne beelaha Muuse Dhariye gabigooduba adiga iyo Marwadaada sharaf bay u hayaan, waxay ogsoon yihiin in aad astaantii Qaranka tahay in aad madaxii u sarreeyay tahay, af xumo nagama gaydid, xumo nagama gaydid, Madaxweynahayagii baad tahay cadawga Somaliland wax uu ku farxo naga maqli maysid,” ayuu yidhi Suldaanku

Xuseen Ibraahin Buuni oo ka tirsan xisbiga Kulmiye ayaa isna madasha ka sheegay in ay ayaan darro tahay in madaxda Waddani ku soo celceliyaan cayda Madaxda Qaranka “Runtii waa ayaan darro haysata xisbigan uu magaciisa Barkhad Madaxda Qaranka ku caayayo, ku cambaaraynayo ee ku xagxaganayo waana wax uu caadaystay. Barkhad waxaan xasuusin lahaa markii aad la taliyaha Madaxweynaha ahayd Fadal waxa uu ka mid ahaa raggii kolba kii kaa soo hor baxa aad shahaadooyinka siinaysay, bal wuxuu ku qiimeeyay ee uu shalay Fadal shahaadada ku siiyay maantana leeyahay xisbiga ayaa kalsoonida kala noqday bal waxa daawada, Fadal ma xisbiga Waddani ayaa xilka u dhiibay, waa boolis amniga u xilsaaran oo habeen iyo maalinba soo jeeda waana ku dhacdhac oo waxay la mid tahay uun madaxda Qaranka ee uu habeen iyo maalinba caayayo,” ayuu yidhi Mr Buuni.

Ugu dambeyn Madaxda dhaqanka ee beelaha Gabooye waxa ay codsadeen in qaybtooda la siiyo gurmadka abaaraha maaddaama ay jiraan dad miyiga ku tabaalaysan “Mudane Madaxweyne guddida abaaraha si sharaf leh oo asluubaysan oo waddaniyadi ku dheehan tahay ayaanu waxayagii uga rabna guud ahaanba dadka abaartu sida gaarka ah u saamaysay ee baadiyaha yaalla oo kun iyo shan boqol oo qoys ah oo gobollada dalka yaalla,” ayuu yidhi Suldaan Naasir

 mss

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here