Aqoonyahanka Maroodijeex Iyo Saaxil Oo Marwada Qaranka Ka Difaacay Eedo Uga Yimid Xisbiga Waddani

0
557

Hargeysa(Qoryaalenews) Qaar ka mid ah aqoonyahanka iyo haldoorka gobollada Saaxil iyo Maroodijeex ayaa kulan ay yeesheen kaga hadlay dhalleecayn loo jeediyay Marwada Qaranka Marwo Aamina Maxamed Jirde(Waris), waxaanay sheegeen in aanay Marwadu gayin dhalliisha xisbiga Waddani u jeediyay ee ah in Waddo dawladda hoose bannaynaysay loo bannaynayay hudheel marwadu leedahay.

Xuseen Maxamed Xasan oo kulanka ka hadCapture-83-310x169lay ayaa sheegay in aanay Marwada Qaranku baahi u qabin jidkaasi islamarkaana aan loo nisbayn Karin. Waxa uu sheegay in dawladda hoose caddaysay in jidkaasi loo waday xarunta dabdamiska, islamarkaana xaafaddaha aaggaasi u baahan yihiin waddo  “Waxaan u sheegaya ragga aflagaadada ku kacaya ee uu kaw ka yahay ninkii wasiirka ahaan jiray ee Xuseen Axmed Caydiid in Waddanka loo doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne kuxigeen, iyadu waa Marwo waa dumar in la aflagaadeeyo ama la soo hadal qaadana waa ceeb, ta labaad Aamina Waris ma gaydo oo waxay ka soo jeeda qoys la yaqaanno oo caan Somaliland ka ah, sanadkii 1982 ayay waddanka ka tagtay oo ay qaxoonti  Ingiriiska ah dooratay ninkeeda oo Wasiir ahaana SNM galay, waxaanu leenahay gaadhi Mercendes ah ayay wadatay 1982 oo baahi u haysa ma jirto, qoyska ay ka dhalatay waa qani(Royal Family) wax ay u baahantayna ma jirto, dadka aflagaadaynaya waxaanu leenahay waddo baahi uma qabto ee xaafaddaha waddadu ag marayso ilaayn ilaa Beerta Xorriyadda ayay tagaysa ayaa u baahan, dhismahana ilaa 1950-kii ayay lahayd oo dhaxal bay ku heshay, Aamina waa la yaqaan, ragga aflagaadaynayana anagu imbadan baanu xishoonaye waxaanu leenahay dib ha loo joogsado oo Marwada Qaranka iyo marwooyinka yaan la caayin,” ayuu yidhi Mr Xuseen.

Eng Maxamed Cabdi Idiris ayaa soo jeediyay in aan mucaaradad laga raadin cayda haweenka Marwooyinka ah “Mucaaradadu maaha caytanka la caayayo Haweenka Marwooyinka ah ee la qabo laakiin, mucaaradadu waa toosin, qofku waa in uu ku toosiyo xilka kolba qofka walaalkii ah ee xilka haya. Waddada dawladda hoose samaynayso ee xilkeeda ah in kolba qof inta uu Makarafoonka qaato wax ka daya waa mid ayaan darro ah. waxaan la hadlaya inamada dhalinyarada ah ee siyaasi ismoodka ah ee u haysta siyaasaddu in ay sidaas tahay waxaanu leenahay dib wax uga bedela afkiinana edeb u yeela, edeb haddaad yeelan waydaana edeb baa la idiin yeeli doona. Waxa weeye Marwadu maaha geed bannaan ka baxay waxay ka dhalatay dad, ehelkeedii baa xay ah oo jooga, todoba sannadood baanu daawanayna inamada ku soo celcelinaya waxaanu ugu digayna in ay ixtiraaman Marwada Qaranka, Marwadu madaxweyne maaha ee Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Saylici ayaa dalka ka madax ah, dee hadday iskaga kiin khaldanto oo iska kiin dhex gasho nasiib darro weeye,” ayuu yidhi Eng Maxamed.

Aqoonyahan  Maxamed Jaamac Rooble ayaa sheegay in dhalliilaha maalmihii u dambeeyay Marwada loo jeedinayay kallifeen in ay jawaab bixiyaan, waxaanu sheegay in Mulkiyada Guriga Waddadu hormaraysa tahay mid cad oo aan lagu muransanayn, islamarkaana waddada la hormarinaya tahay shaqada dawladda hoose  “Runtii nimanka warbaahinta la soo fadhiisanaya in ay Marwada ku xajiimeeyaan waxa iskaga khaldamay siyaasaddii iyo horumarkii. Nimanka Warbaahinta ka hadlay waxa aan leeyahay haddii aynu Somaliland nahay dhaqan baynu leenahay, Marwooyinka la qaba xushmad iyo sharaf bay mudan yihiin waliba ninka aynu seediyada nahay ee TV-yada soo fadhiistay baan la hadlaya marwooyinka la qabo xushmad iyo karaamo ayay leeyihiin. Qodobka aan carrabka ku adkaynaya waxa weeye Marwada Qaranku waa hooyaddii Qaranka oo sharaf , Karaamo iyo ixtiraam bay inaga mudan tahay ee cay iyo aflagaado ma gaydo,” ayuu yidhi Aqoon yahan Maxamed.

Mujaahid Kayse Cali Nuur  ayaa sheegay in hantida dib loogu casriyeeyay dhismaha Cali Jirde aanu ahayn mid Qaranka laga boobay laakiin, uu yahay mid sifo sharci ah ku soo galay qoyska leh gurigaasi, waxaanu Xuseen Axmed Caydiid ugu baaqay in aanay caadaysan cayda marwooyinka oo soomaalidu dhaqan ka leedahay islamarkaana ay dhici jirtay in Marwo la aflagaadeeyay beelo isugu jabaan “Gurigan la leeyahay Wadda loo furaya oo waxa amarka bixisay marwada waa dad kala garan la shaqada dawladda, nadaamka waddooyinka iyo bilicda magaalada waxa iska leh dawladda hoose waxaana loo doortay xildhibaanno iyagaana go’aanka waddooyinka iyo meesha ay furayaan iska leh, marka rag waaweyn oo ku soo jiri jiray maamulka dawladda ee sare ayaa haddana u hadlaysa sidii wax kala garan la habdhiska dawladnimo iyo jaranjarada dawladnimo. Gurigan waxa iska lahaa Alle ha u naxariistee Cali Jirde oo la dhashay Aamina Waris marwada qaranka,” ayuu yidhi Mujaahid Cali Nuur

Ayaanle Cabdi Ismaaciil, Cabdixakiin Aadan Maxamuud, iyo Maxamuud Cabdillaahi Cabdi oo kulanka ka hadlay ayaa dhammaantood sheegay in ay aad uga xun yihiin xajiimaynta Marwada lagula kacay. Ganacsatada, aqoon yahanka iyo dhalinyarada kulankan ka hadashay ayaa dhammaantood sheegay in aanay dib ugu dulqaadan doonin dhalliisha lagu hayo Marwada qaranka oo ay ehelkeedii yihiin, islamarkaana xaal looga fadhiisan doono ciddii gef kula kacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here