Urur-diimeedka Saadicuun Bil-xaq Oo Laga Mamnuucay Maamul Goboleedka Puntland.

0
512

putGuddoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faroweyneoo shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Garoowe wuxuu sheegay in gobolka nugaal laga mamnuucay urur diimeedka Saaciduunal xaq, islamarkaana wuxuu amar ku bixiyay in tallaabo deg-deg ah laga qaado shaqsiyaadka ku jira iyo xarumaha laga taageero urur dimeedkaas.

Guddoomiyaha oo ay dhinac fadhiyaan Guddoomiyaha maxkamada ciidamada Qalabka sida Cabdifitaax xaaji Aadan iyo Taliyaha la dagaalanka argagixisada Gen Muxiyadiin Axmed Muuse ayaa sheegay in go’aankan ay la socdsiiyeen dhammaan hay’adaha amniga ee Maamul Goboleedka Puntland, wasaaradaha qaarkood iyo madaxtooyadda

“waxaa gobolka nugaal laga mamnuucay urur dimmeedka takfiir iyo kan la magac-baxay Saadicuunal Xaq oo meel ka mid ah dalka lagaga dhawaaqay oo aan annagu u naqaano Saariquunal Xaq, hore Maamul Goboleedka Puntland waxay dagaal kula jirtay ururo la mid ah” ayuu yidhi guddoomiyuhu

wuxuu ka codsaday dadweynaha gobolka nugaal inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, ayna soo sheegaan meelaha ay ku dhuumanayaan shakhsiyaadka ururka cusub, waxaa kaloo sheegay in ciidamada amniga ee heer gobol ay amar u qabaan inay soo qabtaan shakhsiyaadkaasi, oo ay horkeenaan sharciga.

Gabagabadii, Ururka diimeedkan Cusub oo lagaga dhawaaqay dalalka Masar, Soomaaliya, Somaliland iyo Maamul Goboleedka Puntland bishii hore, iyadoo culumadda Soomaalidu ay ka hadleen khatarta ururkaas, iyada oo xubno ka mid ah ururkaasi lagu xidhxidhay magaaladda Hargaysa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here